Ereyga Maanta: cashrin
buubaal (2) Awr rar la cararid.
buubaalid eeg buubaal².
buubi 1. Nafley ceyrin. 2. Wax duulin. 3. Ku b.: wax, wax kale ku kor firdhin.
buubid eeg buub². ld buub¹ (2)..
buubin eeg buubi. ld buubis.
buubis ld buubin.
buubsad ld buubsasho.
buubsasho eeg buubso. ld buubsad.
buubso 1. Wax cayrasasho. 2. Wax hor u durugsasho.
buud 1. Doon meel dhexaad ah oo qaadda afar boqol ilaa kun kintaal. 2. Kabaha waaweyn ee ay askartu qaadato.
buudaan ld boodaan.
buudhi (1) Qaalin geel ah isbeddel abaahidoon ah oo xubinteeda taranka ka muuqata.
buudhi (2) Qaalin geel sabiisheeda barar abaahidoon ka muuqasho.
buudhin eeg buudhi. ld buudhis.
buudhis ld buudhin.
buudhqab Hal awr abaahiyay oo loo malaynayo inay rintay, abaahiqab.
buuf (1) Xuddun.
buuf (2) 1. Duufsi. 2. B. ku hay: ladnaan. Tus. “Cali buuftuu ku hayaa”.
buufbuuf Dugaagad dahab ama qalin ka samaysan.
buufi 1. Wax neef ku shubid. 2. Neef maaddo ur leh ama sun ka sameysan meel ku siiddeyn. 3. Hoore midab leh oo tuubbo si xoog leh uga baxayo meel ku rinjiyid.
buufimo Qalab maqaar ka sameyn, bixiya neef badan, leh qaab laba sibraar oo hal af wadaaga, labada dacal ee kalena ku leh meelo gacanta lagu qabsado oo tumaaluhu dabka ay biraha ku farsameyaan ku qaxiyaan.
buufin (1) Xuub yar cinjir ka samaysan, qaabab kala duwan leh, marka hawo laga buuxiyo kala baxa oo carruurtu ku ciyaarto.
buufin (2) eeg buufi. ld buufis.
buufis ld buufin².
Buufis (1) qof u qafiifa in uu dhoofo darteed. Tus. "Cali waxaa hayo Buufis"
buufiye (fiis.) Qalab tamar siiya dareere si uu uga dhaqaajiyo meel ama heer ilaa heer ama kor u qaado cadaadiska.
buuflayn eeg buuflee.
buuflee 1. Xoolo baad ka dhergid. 2. Cid caro ama kibir muujin.
buug (buug, m.dh/-aag/-ag, m.l) 1. Tiro warqado ah, dhan isaga xiran, garbad leh oo suugaan amaa saynis ku qoranyahay. 2. Tiro warqado ah, dhan isaga xiran garbad leh oo aan wax ku qorneyn.
buuhood 1. Ciid jilicsan oo boor badan. 2. Dhir wax lagu daweeyo.
<< < 174 175 176 177 178 179 180 181 182 183 184 > >>