Ereyga Maanta: xameyti
cabsigelin eeg cabsigeli.
cabsii Nafley cabsi ku abuurid.
cabsii (1) Biyo, caano iwm nafley af ka siin.
cabsiin eeg cabsii. ld cabsiis.
cabsiin (1) eeg cabsii.
cabsiis ld cabsiin.
cabso Ka c.: cabsi dareemid. ld cabsoo.
cabsoo ld cabso.
cabsood ld cabsasho.
cad 1. Gabal hilib ah. 2. C. ah: in maro, dhul, xaashi iwm ah. 3. C. ah: qof gaboobay oo aan waxba qaban karin.
cad (1) 1. Midabka caanaha, nuuradda iwm ee soo celiya ilayska qorraxda. 2. Wax bayaan ah oo aan shaki ku jirin.
cad (2) 1. Wax cad ahaansho. 2. Wax bayaan ah oo aan shaki ku jirin ahaansho. 3. Waa ka caddahay: waa liitaa.
cadaab (1) 1. (dii.) Meel aad u kulul, dhibaato badan oo lagu ciqaabo inta Eebbe ku caasiday marka ay aakhiro tagaan; naar. 2. Dhibaato weyn; silic; rafaad.
cadaab (2) 1. (dii.) Eebbe, inta caasiday naar gelin. 2. Cid ciqaabid.
cadaabid eeg cadaab².
cadaad (cadaad, m.dh) 1. Geed, qodxo yaryar oo qaroofan iyo xabag macaan oo la cuno leh. 2. Xiddigga lixaha ka dambeeya.
cadaadi Qof ciriiri gelin, dhibid.
cadaadin eeg cadaadi. ld cadaadis¹ (3).
cadaadis (1) 1. Hawo c. saarid. 2. Xoogga ku dhaca halbeeg bed ah. 3. ld cadadin.
cadaadis (2) (fiis.) Xoogga lignaan u saaran halkii halbeeg ee bed ah ama waa saamiga xoogga iyo bedka. Waxa lagu cabbiiraa Baaskal ama N/m2 (H.C).
cadaadis (3) (siyaa.) Waa dawlad awoodsheegasho ku dhisan, caddaalad darro iyo hoggaamin xumo ku darsatay.
cadaadis-beege (fiis.) Qalabka loo isticmaalo in lagu cabbiro cadaadiska gibilka. Qaabkiisa ugu sahlan waxa loo yaqaan cadaadis beegaha meerkari; meerkaridaas oo ku jirta dhululubo qarsho ah oo xiran oo lagu gembiyay meerkari kale oo weel ku jirta; meerkaridaas ku jirta dhululubada waxay ismiisamayaan culayska gibilka, dherekeeduna wuxuu ku siinayaa cabbirka culayska cadaadiska gibilka. Heerka meerkarida ee dhululubada ku jirta wuxuu tusinayaa celceliska cadaadiska gebilka ee bad la simanta.
cadaadis-ekeeye (juqr.) Xarriiq ku yaal khariidad ama kaarto dusheed oo isku xira meelaha cadaadis gibilkoodu isla egyahay.
cadaadis-gibileed (1) (fiis.) Culayska saaran bar ee ka dhasha cadaadiska hawada ka sarraysa bartaas.
cadaadis-gibileed (2) (fiis.) Cadaadiska ka dhasha culeyska hawada ee ka saaraysa bar kasta oo ku taal oogada dhulka. Marka laga qiyaaso heerka badda, gibilku waxa uu celin karaa tiir meerkaari oo jooggiisu yahay 760 mm. Cadaadiskaas wuu sii yaraadaa marka sare loo sii kaco. Qiimo beegaalka c. g. (heerka badda ee halbeegga (H.C.) waa,0,1.01325,x 10 5 Baaskal (N/m2).
cadaadis-hoose (juqr.) Gobol cadaadis gibilkiisu uu ka hoseeyo kan gobollada ku wareegsan.
cadaadis-qaybeed (fiis.) Cadaadiska guud ee iskujirka neefuhu waxa uu le'egyahay wadarta c. q.dyada xubnaha neefaha ka dhalan lahaa haddii ay neef kasta keli ahaanteed buuxin lahayd weelka. Dhab ahaan, xeerkani waxa uu sax ku yahay neefaha mitaaliga ah.
cadaadis-siimow (baay.) Marka milanka laga sooco mile saafi ah iyada oo loo dhaxaysiinayo xuub badh habe, miiluhu waxaa uu u gudbiyaa milanka si uu uga hortago marinka miilaha ayaa loo yaqaan c. s.
cadaadis-uumi (fiis.) Cadaadiska uu uumi dhaliyo. Marka uu uumigu la dheelitiranyahay hoorkiisa, cadaadiska uumigu waxa uu ku xiranyahay heerkulka hoorka, waxana loo yaqaanaa caadadiska uumiga dheregsan (CUDh).
cadaadis-yar (juqr.) Gobol cadaadis gibilkiisu hooseeyo marka loo eego meelaha ku wareeraysan, mararka qaarkood waxaa loo yaqaan gufaaco.
<< < 190 191 192 193 194 195 196 197 198 199 200 > >>