bakhtiquf (2) ld baqtiquf².
bakhtiqufid ld baqtiqufid.
bakhtiwareemid ld baqtiwareemid.
bakhtiwareen (1) ld baqtiwareen¹.
bakhtiwareen (2) ld baqtiwareen².
bakhtiyaanasiib ld baqtiyaanasiib.
bakhtiyid ld baqtiyid.
bakool 1. ld bakaal. 2. Dhul carradiisu dibir ama dhooddi tahay; dhul carrocad ah.
bakoolin Daruuro yaryar oo kala googo'an oo wada socda middood.
bakoorad Ul toosan, madax godan oo lagu xarragoodo. ld bakooro (3).
bakooro 1. ld bokooro. Cudur indhaha ku dhaca oo baqbaq u yeela. 2. ld bokooro. Cudur isha birteeda ku dhaca oo caddeeya. 3. ld baqoorad.
bakteeriafayj (baai.) Fayras ku dhex nool bakteeriyada. Mid kastaana waxa uu gaar u yahay hal nooc oo bakteeriya ah. Waxa uu si dhaqso ah ugu koraa una baabi'iya unugyada soorihiisa ah.
bakteeriya (baay.) Noole ili-ma-aragtay ah oo dhammaantood ka kooban hal unug, kuwaas oo aan lahayn xuub bu'eed u gaar ah, hase yeeshee leh gidaar unug oo samays u goonniya leh. B.da badanaaba waxa lagu kala soocaa habka khadaynta Garaam (ha u baahnaato ogsajiin ama yaanay u baahnaan) iyo qaabka muuqaalkooda.
bakteeriya-ciijiye (baay.) Fiirus jajabiya bakteeriyada.
bal (1) Geedka galleyda ama meseggada oo aan miro lahayn.
bal (2) 1. Qurub la isticmaalo inta badan kolka wax kabbixiwaa ah lays yeelsiiyo ama layska dhiirrigeliyo. 2. B. in: haddii. Tus. “B. inaan eegi karo aan soo durko”, “Weyddii b. inay fog tahay”; ama cagajiid lagu jeedo, sida “B. hoo”, “B. ina keen”.
balaambal (1) ld balaambalid.
balaambal (2) 1. Cid rafaad iyo dhibaato la kulmid. 2. U b.: qof rafaad iyo dhibaato la kulmid u ooyid. ld balambal².
balaambalid eeg balaambal. ld balaambal¹, balambal¹, balambalid.
balaanktoon (c.nafl.) Kan ugu yar dhiska sabbeeya ee geed iyo xayawaan,inta badan laguma arko isha qaawan, oo deggan biyaha badweynada iyo badaha yaryar, oo cunto u ah kalluunka badda iyo abuur kale.
balaaqo Hadal murti badan huwan oo sida uu u yaal macne ka duwan leh.
balaasma (c.nafl.) Qaybta dareeraha ee dhiigga marka laga reebo unugyada dhiigga. Waxay u badantahay biyo ay walxo badani ku milanyihiin, kuwaas oo ay ka mid yihiin borotiinno, cusbooyin gaar ahaan (soodhiyam, bootaasiyam koloraydhyo iyo bikaarboonaytyo), iyo cuntooyin gulukows (amiino asiidhyo, dux), hormoono, faytamiino iyo walxo qashin ah.
balaasmoodiya (baay.) Qayb ka mid ah borotosowa oo ku dul nool unugyada cascas ee dhiigga iyo unugyada beerka ee dadka.
balaasmoodiyam (baay.) Borotobalaasam isku cufan oo qaabkiisu isbeddelo oo leh bu'o badan oo ay ku wareegsanyihiin xuub balaasma.
balaatihelmantis (baay.) Faylam ka tirsan lafdhabarla'da, oo ka kooban gooryaan suunka, astaamihiisana ay ka mid yihiin jidh ballaadhan oo aan maraaryo lahayn, habdhis dareen-wade oo sahlan, kaas oo unugyadiisu u badanyihiin dhinaca madaxa, dheefmareen sahlan oo af mooye aan futo lahayn. Gooryaan suunku waa labeeb, laakiin isbacrimintiisu waa naadir. Jinsiyo badanoo faylamkan ka tirsan ayaa dulin ah.
balaayo ld belaayo.
balac (1) 1. Daymo, milicsi. 2. B. ka sii/b. ku sii: bal fiiri.
balac (2) Dugaagad ballaaran, xardhan oo macdan ka samaysanoo haweenka ku xarragoodaan.
balacsad ld balacsasho.
balacsan Wax shilis oo hilib isla'eg leh ahaansho (nafley).
<< < 17 18 19 20 21 22 23 24 25 26 27 > >>