Ereyga Maanta: mataxan
cirbixin eeg cirbixi.
cirbixiyeen ld cirbaxeen.
cirbixiyeennimo ld cirbaxeennimo.
cirboor Dabayl xoog badan, boor iyo qashin sidata, socota iyadoo isku dhex wareegaysa, samada isku taluulisa oo roobaka laga saadaaliyo. ld cirwareen.
circaddaa Roob badan oo muddo dheer da'a; kolkuu roobku da'ayo oo daruuruhu iyagoo isku tirmay oo isu wada ekaaday cirka wada daboolaan oo jahooyinka la kala aqoon waayo.
cirdaloolo Cirka oo daruur roob wada qarisay, meel yar oo ka bannaan.
cirdood Ugaadh. ld ciddood.
cirdoox Roobdoon geed la fuulayo oo suuratul Huud la akhrinayo.
cirfiid (caafaariid/-dyo, m.dh) Jin dhib badan. ld cifriid.
cirfiidad Wiish silig koronto leh ku socda oo qararka iyo buuraha dhaadher la isaga tallaabo.
cirgaduud Labada waqti ee ay qorraxdu marna soo baxayso marna dhaceyso middood.
cirguduud ld cirgaduud.
cirib 1. Cagta dadka meesha ugu damabeysa oo adag ee u dhexaysa raysmagaadhada iyo boqonta. 2. Ciribdambeed. ld cidhib¹.
ciribbeel Nafley ama wax kale jiritaankooda baabi'id.
ciribbeelid eeg ciribbeel.
ciribdambeed Waxa nasiib u noqda ee qof noloshiisa ku dambeyso.
ciribdarro Cawaaqib xun ee uu wax ku dhammaado.
ciribgo' Wax jiritaankooda baabi'id.
ciribgo'id eeg ciribgo'.
ciribgoo Wax jiritaankooda ama isticmaalkooda baabi'in.
ciribgoyn eeg ciribgoo.
ciribla' Dhurwaagu marka uu aad u duqoobo.
ciribla'aan Ciribdambeed xumo.
ciribsasho eeg ciribso.
ciribso 1. Cid, ciirsi weyddiisasho. 2. Qof, cid ka horreysa tiigsasho.
ciribtir (1) Baabi'inta jiritaanka nafley ama wax kale. ld ciribtirid.
ciribtir (2) Wax jiritaankiisa baaba'ay ahaansho.
ciribtiran (1) Wax jiritaankiisa baaba'ay noqosho.
ciribtiran (2) Wax jiriitaankiisa baaba'ay ahaansho.
ciribtirid eeg ciribtir². ld ciribtir¹.
<< < 253 254 255 256 257 258 259 260 261 262 263 > >>