Ereyga Maanta: yeeg-bisaliim
cuskug (2) Meel, hawl la'aan fadhiyid.
cuskugid eeg cuskug². ld cuskug¹ (2).
cuslaan eeg culus. ld culays, cuslaansho.
cuslaansho eeg cuslow. ld cuslaan.
cuslayn eeg cuslee.
cuslaysasho eeg cuslayso.
cuslayso Hawl, arrin iwm wax culus oo dhib leh ka dhigasho.
cuslee 1. Wax miisan ku kordhin. 2. Arrin xalkeeda adkayn.
cuslow 1. Wax culus noqosho. 2. Wax dhib leh noqosho.
cusub 1. Wax aan weli la isticmaalin ahaansho. 2. Wax jiritaankiisa markaa ugu horreyso ahaansho. 3. Cir, wax roob laga filayo ahaansho.
cutad Harag ama saan isku jactadsan.
cuti (1) ld cutush.
cuti (2) ld cuddi.
cutin ld cuddin.
cutis ld cuddin.
cutub ld cuntub.
cutush Qof tabar dhigay da'awgeed. ld cuti¹, xutush.
cuud (1) 1. Qori caraf udgoon leh oo la shito. 2. Jiriir badar oo aad loo yaryareeyey; xanbab. 3. Nooc ka mid ah cayaaraha dhallinyartu dheesho oo qori yaryar lagu faniijiyo, kaddibna inta ay yoolka u jirto lagu xisaabtamo. 4. ld cood.
cuud (2) Ciyaar cuud dheelid.
cuudi 1. (f.g) Wax, meel cuud ku udgin. 2. (f.mg) Ka c.: cid rooxnaan, dhir udgoon uga shidid.
cuudid eeg cuud².
cuudin eeg cuudi.
cuul Wax hullaab ku qarin (qof).
cuulan Qof wax la cuulay ahaansho.
cuulid eeg cuul.
cuulnaan eeg cuulan. ld cuulnaansho.
cuulnaansho ld culnaan.
cuun 1. Meel dhir badan oo jiq ah. 2. Dab, webi, bad iwm agtooda.
cuur (1) 1. Ciyaarta laylada godadkeeda mid ka mid ah oo bocool, dhagxaan iwm ka buuxaan. 2. C. ah: wax badan meel ku wada urursan.
cuur (2) Weel aad u buuxin.
<< < 271 272 273 274 275 276 277 278 279 280 281 > >>