Ereyga Maanta: qawadid
caloolxumayn eeg caloolxumee.
caloolxumee Cid caloolxumo badid.
caloolxumi ld caloolxumaan.
caloolxumo Dareen cadaawad iyo ciilqab leh. ld caloolxumi.
caloolxumow Ka c.: caloolxumo dareemid.
caloolxun Ka c./u c.: qof caloolxumo hayso ahaansho.
caloolyaro (c.nafl.) Qaybta wadnaha ee ka soo qaadda dhiigga dhegyarada ee u tuurta habdhiska halbowlayaasha.
caloolyoobid eeg caloolyow². ld caloolyow¹.
caloolyow (1) Welwel iyo walaac ku dhasha qof marka uu la kulmo arrin adag oo uusan xal u haynin. ld caloolyoobid.
caloolyow (2) Qof la kulmay arrin adag oo uusan xal u haynin welwel iyo walaac ku beermid.
calooshi-lacayaar (calooshood-lacayarro, m.dh) Qof maalintaas hantidiisu sida ay tahay u dhaqma oo aan mustaqbalka ka fikirin.
calooshi-ushaqayste (calooshood-ushaqaystayaal, m.l) Qof loo kireysto dil, dhac, qarbudaad iwm.
calow (1) 1. C. ah: biyo dhoobo ku qasantahay. 2. C. ah: midab calas ah.
calow (2) Biyo, dhoobo ku qasmid.
calqad ld qalcad.
calwasaad (1) 1. Hadal qof hurdayo uu ku hadlo; qarow. 2. ld calwasaadid.
calwasaad (2) (daaw.) Xaalad muddo gaaban ee maskaxda shaqadeedu isku qasanto oo la socoto jirro maskaxda.
calwasaad (3) Qof hurdaya hadlid. ld carwasaad².
calwasaadid eeg calwasaad². ld calwasaad¹ (2), carwasaad¹, carwasaadid.
calwi Biyo, calow ka dhigid.
calwid eeg calow².
calwin eeg calwi.
calwis Wadaan aad u weyn.
calyannaqsad ld calannaqsasho.
calyannaqsasho ld calannaqsasho.
calyannaqsi ld calannaqsasho.
calyannaqso ld calannaqso.
calyee Wax calyo ku halllayn; calyo ku qoyn. ld candhuufayn.
calyeyn eeg calyee.
calyo (c.nafl.) Dareere aan midab lahayn, qanjirrada xayawaanka ka yimaada oo cunnada jilciya; candhuufo.
<< < 25 26 27 28 29 30 31 32 33 34 35 > >>