Ereyga Maanta: dambeeto
daf (2) Cod tilmaama socod ama dhawaaq kedis ah.
daf (3) Ka d.: wax si kedis ah u dhufsasho.
dafaar Qof sabool ah.
dafac Cudur halis ah, sangoror leh oo fardaha ku dhaca. ld darfac, dirfac.
dafcad Koox dad oo hawl wada billaabay ama wada dhammeeyey.
dafdaf Fal aan deggenaan lahayn ee qof ku kaco.
dafdaflayn eeg dafdaflee.
dafdafle Qof dafdaf badan; meelo galgal badan.
dafdaflee Dafdaf samayn.
dafid eeg daf³.
dafir (1) Diididda run la ogyahay. ld dafirid.
dafir (2) Run la ogyahay diidid.
dafiraad ld dafirid.
dafirid eeg dafir². ld dafir¹, dafiraad.
dafo Nooc haadda hilib cunka ka mid ah, dheereysa oo si dhaqso leh bahallada yaryar ama hilibka u dhufsata; so'laduul; huunfey. ld dafto, dhifato, dhufato.
dafraan ld dafshaan.
dafshaan Qof dhibaato dhaqaale hayso. ld dafraan, tafshaan.
daftar Buug wax lagu qorto.
dafto ld dafo.
dag Cid dhibaato aysan filayn gaarsiin ama ka dhaadhicin wax aan jirin; dhagrid; khatalid.
dagaag (1) 1. Qof ama dad ka dalaabay degaankoodii cayrnimo awgeed. 2. ld dagaagid.
dagaag (2) Cayrnimo awgeed la dalaabid (qof).
dagaagid eeg dagaag². ld dagaag¹ (2).
dagaagnimo Dagaag ahaansho (qof).
dagaal (1) 1. Iska horimaad af ama addin ah, waxyeello lays gaarsiiyo oo dhexmara laba qof ama ka badan. 2. ld dagaalid.
dagaal (2) D./la d.: laba qof ama ka badan waxyeello af ama addin ah isgaarsiin.
dagaal-aqoon Xeelad.
dagaalgal 1. Heer korriimo oo marka wiilashu gaaraan dagaalka ka qayb qaadan karaan. 2. D. ah: wiil gaaray da'dii uu dagaal kaga qayb qaadan lahaa. 3. Hab dagaal looga qayb qaato.
dagaalgeli Ciidan dagaallamaya hoggaamin (qof).
dagaalgelin eeg dagaalgeli. ld dagaalgelis.
<< < 301 302 303 304 305 306 307 308 309 310 311 > >>