Ereyga Maanta: marjiid
dawan 1. Koor yar, bir ka samaysan oo gammaanka loo xiro. 2. Qalab bir ah, laga dhawaajiyo marka xisada dugsida billaabanayaan ama dhammaanayaan.
dawar (1) ld dawarid.
dawar (2) 1. (f.g) Baryo iyo yabooh u wareegid. 2. (f.g) Markab ama doon washirid. 3. (f.mg) Markab ama doon leexin. ld dewer².
dawari Wax dhumay baadi goobid. ld daweri, dawri, deweri.
dawarid eeg dawar². ld dawar¹, dewer¹, dewerid.
dawarin eeg dawari. ld dawerin, dawrin, dewerin.
dawarsad ld dawarsasho.
dawarsasho eeg dawarso. ld dawarsad, dawarsi, dewersad, dewersasho, dewersi.
dawarsi ld dawarsasho.
dawarso Dawarsi samayn (qof). ld dewerso.
dawax Ku d.: cid ku maadeysasho.
dawaxaar Dawo xoolaad budo ah oo reer miyigu dadka uga daaweeyaan cudurrada caloosha, sida xundhurta, tiifaha iwm.
dawdabi 1. Caano, biyo iwm si dhaqso leh u cabbid. 2. Hal si dhaqso leh u lisid.
dawdabin eeg dawdabi.
dawdar (1) ld dowddar¹; dawdarid.
dawdar (2) 1. Isku d.: koox dad ah dhexgelid. 2. ld dowddar².
dawdaran Ka d.: wax aan daw lahayn ahaansho.
dawdarid eeg dawdar². ld dawdar¹; dowddarid.
dawdarnaan eeg dawdaran. ld dawdarnaansho, dawdarni, dawdarno.
dawdarnaansho ld dawdarnaan.
dawdarni ld dawdarnaan.
dawdarnimo ld dowddarnimo.
dawdarno ld dawdarnaan.
dawdarroo Ku d.: qof, cid kale gaf ku samayn.
dawdarrood eeg dawdarroo.
dawdawle D. ah: qof been badan oo muujiya karti uusan lahayn.
dawdawlee Qof been badan karti uusan lahayn muujin.
dawdawleyn eeg dawdawlee.
dawee ld daawee.
daweri ld dawari.
<< < 332 333 334 335 336 337 338 339 340 341 342 > >>