Ereyga Maanta: xasaw
alaakoodin eeg alaakoodi. ld alaakoodis.
alaakoodis ld alaakoodin.
alaal Qof si sahlan ula qabsan karo dad iyo dal uusan aqoon; qof galgal badan oo dhiiran.
alaalabbaq (1) 1. Baqdi aan aqoon ku dhisnay; baqdin qalo keento. 2. ld alaabbiqid.
alaalabbaq (2) Cabsi kaddaray ah dareemid.
alaalabbiqid eeg alaalabbaq². ld alaalabbaq¹ (2).
alaalax (1) 1. Socod lala dhacdhacayo tabar darro awgeed; 2. A. ah: qof sakhraansan.
alaalax (2) Tabar darro awgeed la dhacdhacid.
alaale Qof dhallinyar, waayo aragnimo lahayn, oo isla weyn.
alaalennimo Alaale ahaansho.
alaalixid eeg alaalax².
alaalnimo Alaal ahaansho.
alaalo Nooc caws ka mid ah oo dhaadheer.
alab Ged; caado; dabci.
alabbas (1) 1. Orod aan caadi ahayn oo baqdini ku jirto. 2. ld alabbasid.
alabbas (2) Orod aan caadi ahayn oo baqdin ku jirto samayn.
alabbasid eeg alabbas². ld alabbas¹ (2).
alabbaslays ld alabbasleyn.
alabbaslee Alabbas sameyn (nafley).
alabbasleyn eeg alabbaslee. ld alabbaslays, alabbasmays, alabbasmeyn.
alabbasmays ld alabbasleyn.
alabbasmeyn ld alabbasleyn.
alal Xanuun la taahid.
alalaas (1) 1. Mashxarad. 2. ld alalaasid.
alalaas (2) Mashxarad samayn.
alalaasid eeg alalaas². ld alalaas¹ (2).
alalad (1) 1. Riyo; dhadhab. 2. Qaraw. 3. ld alaladid.
alalad (2) Qarwid; dhadhabid.
alaladi Ka a.: cid alal ka keenid. ld alaladsii.
alaladid eeg alalad². ld alalad¹ (3).
<< < 32 33 34 35 36 37 38 39 40 41 42 > >>