dhafan (1) Wax la dhafay noqosho.
dhafan (2) Wax la dhafay ahaansho.
dhafan-midab-ileys (fiis.) Kaah birlabdanabeed leh isku jir hirbaacyo kala duwan, lagumana soo koobi karo kaahyada la arki karo; badan midab-ileys.
dhafandhaaf 1. Fal laba dhinac oo iska soo horjeeda si darandoorri ah isu weydaarin. 2. Hab wax loo taxo iyadoo laba wax oo aan isku nooc ahayn si talantaalli ah la isugu xijinayo.
dhafar (1) 1. Soo jeed habeennimo. 2. (-rro, m.dh) Xarig dheer dabagelis leh oo reeryada lagaga xiro. 3. ld dhafrid.
dhafar (2) Habeen dhan oo digri lagu soo jeedo gaar ahaan siyaarooyinka.
dhafar (3) Habeen dhan soo jeedid (cid).
dhafarsan 1. Wax dhafar hayo ahaansho (qof). 2. Wax dhafar lagu xiray ahaansho (awr).
dhafarsanaan eeg dhafarsan. ld dhafarsanaansho.
dhafarsanaansho ld dhafarsanaan.
dhafaruur Geed gaab laamo dhuudhuuban oo miro hurdi ah macaan oo la cuno leh.
dhafdhaf D. ah: waxyaabo badan, kala nooc ah oo isku jira.
dhafid eeg dhaf.
dhafmid eeg dhafan¹.
dhafnaan eeg dhafan². ld dhafnaansho.
dhafnaansho ld dhafnaan.
dhafoor Meesha godan ee u dhexeysa isha iyo dhegta dadka.
dhafoorshiid Summad geel oo laba barood oo dab ah oo dhaforrada lagu dhigo.
dhafri 1. Cid inay dhafarto ku kalifid.2. Xarig dhafar ah awr ku dhejin.
dhafrid eeg dhafar³. ld dhafar¹ (3).
dhafrin eeg dhafri. ld dhafris.
dhafris ld dhafrin.
dhafrisan Wax la dhafriyay ahaansho.
dhafrisanaan eeg dhafrisan. ld dhafrisanaansho.
dhafrisanaansho ld dhafrisanaan.
dhag Cod lagu muujiyo dilka.
dhagaati ld dhegaati.
dhagadhaal Dhul ka kooban meel dhagax ah iyo meel ciid ah oo kala qaybsan.
dhagar (1) Khayaano.
dhagar (2) Khayaano cid ku samayn.
<< < 362 363 364 365 366 367 368 369 370 371 372 > >>