dhiigmiirato ld dhiigmiirad (2).
dhiigmiiro 1. Nafley dhiig ka shubasho. 2. Cid si xaqdarro ah ku jirto xooggiisa uga faa'iideysasho.
dhiigow Dhiig yeelasho.
dhiigroor (1) 1. Dhiig ku guntama meel nabar ku dhacay. 2. ld dhiigroorid.
dhiigroor (2) Meel nabar ku dhacay dhiig ku guntamid.
dhiigroorid eeg dhiigroor². ld dhiigroor¹ (2).
dhiigshubasho Dhiigmiirad.
dhiigsii Ku shubidda qof dhiig ku yaraaday lagu shubo; dhiig.
dhiigsiin 1. ld dhiigsiis. eeg dhiigsii. 2. Dhiig ku shubid.
dhiigsiis ld dhiigsiin (1).
dhiigsonkor Kaadisokorow; kaadimacaan.
dhiigsumow (daaw.) Sooh baabi'in aad u ballaaran oo ay keento baktiiriya cudurkeen ah oo dhiigga raaca ama sun ayaduna dhiigga la socota. Ereyga waxa loo isticmaalaa oo kala nooc dhiig sumow ah.
dhiigtaabac Qof aano daba jooga.
dhiigtaar (bot.) Geed gaab laan-laan u baxa, qodxo dhaadheer, ulaha laga goosto oo qodxihiisu kurtummo leeyihiin.
dhiigtag-yari (daaw.) Tagista dhiigga oo ka yaraada qayb ka mid ah jirka oo ay keento xididdada dhiigga geeya oo ciriirsama ama xirma. Dh.y.da wadnaha waxay keenta anjiina begtoris.
dhiiguris Fal lagu falo ugaarta (dhiigga neefka la dilay ayaa qaansada madaxeeda iyo dabadeeda lagu taabtaa).
dhiigyacab Qof dadka laaya; dilaa. ld dhiigcab.
dhiigyacabad Naag dadka laysa.
dhiigyacabnimo Dhiigyacab ahaansho.
dhiigyar Wax aan dhiig badani jirkiisa ku jirin ahaansho.
dhiigyaraan eeg dhiigyar. ld dhiigyaraansho, dhiigyari, dhiigyaro.
dhiigyaraansho ld dhiigyaraan.
dhiigyari ld dhiigyaraan.
dhiigyari-daran (daaw.) Nooc dhiigyari ah oo ay keento fitamiin B12 oo yaraata, waxayna ka timaadda ama maqnaanshaha walaxda loo yaqaan (intrinsic factor) oo sahlan fitamiin B12 ka gudubto xiidmaha oo ay dhiigga u gudubto, ama cunnada oo ay ku yartahay fitamiinka Dh.dad. waxa lagu yaqaan sameynta unugyada cas-cas ee dhiigga oo cilladeysan. Dhuuxa lafta oo ay ku jiraan unugyo loo yaqaan megaloblastas.
dhiigyaro Dhiigyaro (Anemia) waa xaalad aanad haysan unugyo dhiig oo casaan ku filan si ay u qaadaan oksijiin ku filan unugyada jirka. Dareemidda dhiig-yaraanta ayaa kaa dhigi karta inaad dareentid daal iyo daciif. Waxaa jira noocyo badan oo ka mid ah dhiig-yarida, oo mid waliba leeyahay sabab u gaar ah. Dhiigyaro wuxuu noqon karaa mid mudo gaaban ah ama muddo dheer sidoo kale wuxuu ka koobnaan karaa mid fudud ilaa mid daran.
dhiiji 1. (f.g) Ib, dalool iwm dareere ka keenid. 2. (f.mg) Ka dh.: jir nafley dhiig ka keenid.
dhiijin eeg dhiiji. ld dhiijis.
dhiijis ld dhiijin.
dhiil (1) Haruubka dhiisha lagu daboolo.
dhiil (2) Weel tolay ah, sidde iyo aabur leh, aagaanta ka yar oo caanaha lagu shubto.
<< < 412 413 414 415 416 417 418 419 420 421 422 > >>