margeeleys ld margeeleyn.
margi ld merji.
margin ld merjin.
margis ld merjin.
margo (1) Qabashada nafley cunaha la qabto iyadoo neefta lagu celinayo ceego. ld mergo¹.
margo (2) Wax cunaheeda cunto aan mari karin isku taagtay noqosho (nafley). ld mergo².
mari (1) Lax saddex jeer ama ka badan dhashay.
mari (2) 1. Xarig xooggan soohid. 2. Wadaan ceel biyo uga dhurid. 3. Dufan ama midab wax ku malaasid. 4. U m.: qof wax u akhriyid. 5. U m.: gabay cid u tirsin. 6. Cid rasaas ku layn. 7. Wax goob ku socodsiin.
marid eeg mar³. ld mar¹ (4), maris².
mariid 1. Waabaayo la mariyo fallaaraha, warmaha, iwm. 2. Geed mariidka laga liso. ld maliid, meriid.
mariikh (c.fal.) Meerayaasha mid ka mid ah oo u dhexeeya dhulka iyo mushtarka; cirjeex; farraarre.
mariil (1) ld maliil1. ld maliilid.
mariil (2) ld maliil².
mariili ld maliili.
mariilid ld maliilid.
mariilin ld maliilin.
mariishan ld maliishan.
mariishanaan ld maliishanaan.
mariishanaansho ld maliishanaan.
marimba Ciyaar dhaqameed laga yaqaan Xamar.
marin (1) 1. Jid; waddo. 2. Gar; sharci.
marin (2) eeg mari². ld maris¹ (3).
marin-cidhiidhi (juqr.) Luuq badeed isku xidha laba badood oo waaweyn, waxa laga yaabaa inuu sameeyey dillaac-qoori gudbani, ama bad daafaha mareysey oo hoos u degtey ama carro guur.
marin-ganacsi (juqr.) Marin, waddo dhul, bad, ama hawo, oo ganacsigu maro.
maris (1) 1. Saabuun m. ah: saabuun adag oo dharka lagu dhaqdo. 2. Shimbir yar oo mucjisad leh; waxay si layaab leh ugu hoggaamisaa ninka herinka ah oo keliya, ugaar, habar dugaag, halaqa qaar ka mid ah, malabka shinnida iwm. Waris, buli, shimbir malab. 3. ld marin².
maris (2) ld marid.
marjaan ld murjaan².
marjac Buug cilmi badan ku qoranyahay oo wixii loo baahdo laga helo.
marji ld merji.
marjiid (1) 1. ld maljiid 1. Wax dheer oo toosan. 2. ld marjiidid. ld maljiid¹.
<< < 46 47 48 49 50 51 52 53 54 55 56 > >>