Ereyga Maanta: calman
halaanhalin eeg halaanhali. ld halaanhalis.
halaanhalis ld halaanhalin.
halaaq (1) 1. Ruugista xooluhu ruugaan lafaha. 2. ld halaaqid.
halaaq (2) Xoolo lafo ruugid.
halaaqid eeg halaaq². ld halaaq¹ (2).
halaaqo Kala qaadidda qof kala qaado afka hurdo ama daal awgiis; hamaansasho.
halaaqoo Hurdo ama daal awgood af la kala qaadid; hamaanso.
halaaqood eeg halaaqoo.
halaati ld haalaati.
halab Timo rag, jilicsan oo dheer.
halabaysad ld halabaysasho.
halabaysasho eeg halabayso. ld halabaysad, halabaysi.
halabaysi ld halabaysasho.
halabayso 1. Timo halab ah samaysasho. 2. Xoolo la soo dhacay hilib ka qalasho.
halabo 1. Hawl la qabtay wax ka soo baxa. 2. H. ah: Hilibka laga qasho xoolo la soo dhacay. 3. Hanti xoolaad.
halabsad ld halabsasho.
halabsasho eeg halabso. ld halabsad, halabsi.
halabsi ld halabsasho.
halabso 1. Wax ordaya fuulid. 2. Faras fuulid iyadoo aan rakaabka cagta la saarin.
halac 1. Uumi kulul. 2. Olol. 3. H. ah: qof hamuun gorayo leh ama aad u cir weyn.
halacsad ld halacsasho.
halacsan Wax la halciyay ahaansho (hilib).
halacsanaan eeg halacsan. ld halacsanaansho.
halacsanaansho ld halacsanaan.
halacsasho eeg halacso. ld halacsad, halacsi.
halacsi ld halacsasho.
halacso 1. Wax iyadoo aan la bisleynayn olol ku dubasho. 2. Iyadoo aan laga bogan wax eegid.
halakayn eeg halakee.
halakaysan Wax halako ku dhacday ahaansho.
halakaysnaan eeg halakaysan. ld halakaysnaansho.
<< < 691 692 693 694 695 696 697 698 699 700 701 > >>