Ereyga Maanta: kaahin
hiriq Cod lagu muujiyo hirqashada. Tus. “H. ka dheh”.
hirjab Xeebta meesha hirka baddu ku baab'o.
hiro Ku h./u h.: cabsi, baahi iwm cid ula tegid si kaalmo looga helo.
hirqad ld hirqasho.
hirqan Qof ama wax dheregsan ahaansho.
hirqanaan eeg hirqan. ld hirqa-naansho.
hirqanaansho ld hirqanaan.
hirqasho ld harqasho.
hirqi Qof wax ka dhergin. ld harqi (3).
hirqin ld harqin.
hirqo 1. Biyo weel ka buuxsasho. 2. Cunto ama biyo si aad ah uga dhergid. ld harqo.
hirwo Nooc ka mid ah ciyaaraha jaanta iyo jiibta leh oo dhaantada isku bahyihiin.
histeeriya (daaw.) Xaalad cudur maskaxeed oo astaamaheeda ugu waaweyn ay ka mid yihiin caadifad aan dagganeyn kalahadal, duufsasho u dabacsanaan iwm.
histoogaraam (xis.) Muujin garaafeedka ee 'data'kooxaysan, ama garaf bedeed leh ballacyo saamiggal la ah doorsoomaha ku yaalla dhidibka jiifa iyo rakaadyada ku yaalla dhidibka taagan.
histooloji (baay.) Barashada nudaha noolayaasha iyada oo la adeegsanayo weyneyso.
hitayn eeg hitee.
hitee 1. Cid ka aargudasho. 2. Qof ceeb ka rogid.
hiti Dhuti. ld heeti (2).
hitin eeg hiti. ld heetin, heetis.
hitiq Qof si tabar yari ku jirto u socosho.
hitiqi Nafley hitiq u socodsiin; luudin.
hitiqid eeg hitiq.
hitiqin eeg hitiqi. ld hitiqis.
hitiqis ld hitiqin.
hito 1. Gudashada cid eed gashay laga guto. 2. Rogidda ceeb la iska rogo.
hitrosaygas (baay.) Marka la sharxayo noole labo aliil oo kala duwan leh, kaas oo xukuma muuqaal gaar ah. Xaaladda muuqaalka nooluhu soo saaray waxay noqonaysaa mid ku xidhan aliilka shiiqiyaha ah.
hiwaawir (1) Shuruf.
hiwaawir (2) Urid.
hiwaawirid eeg hiwaawir².
hiwaayad Xiisaynta wax si gaar ah loo xiiseeyo.
<< < 739 740 741 742 743 744 745 746 747 748 749 > >>