Ereyga Maanta: gudcurin
iya (2) ld iyaga.
iyada Magacuyaal tilmaama qofka saddexaad ee kelida oo dheddig ah (tan laga hadlayo ama wax laga qorayo). ld iya¹.
iyaga Magacuyaal tilmaama qofka saddexaad ee wadarta ah (kuwa laga hadlayo ama wax laga qorayo). ld iya².
iyama Waa kuwee?.
iyana 1. Magacuyaalka qofka saddexaad ee kelida ah oo ka kooban 'iya 1'iyo 'na 2'. 2. Magacuyaalka qofka saddexaad ee wadarta ah oo ka kooban 'iya 2'iyo 'na 2'.
iyo Eray lagu xiriiriyo magacyo ama tixo. Tus. “Hilib iyo bariis”, “Inuu yimid iyo in kale soo hubso”.
iyukaaryootig (baay.) Noole ka kooban unugyo, ay ku jiraan walxaha hiddo-barasho oo leh bu'muuqata.
j (ja') Xarafka tobnaad ee xuruufta soomaaliga, ahna shibbane.
jaa'ifee 1. Waxyeello weyn oo aafeed cid gaarsiin; aflagaaddee. 2. Nabar foolxumo reeba cid wejiga ka gaarsiin.
jaa'ifeyn eeg jaa'ifee.
jaa'ifo 1. Nabar wejiga la gaarsiiyo oo foolxumo reeba. 2. Hanti la siiyo qof jaa-ifo loo geystey.
jaa'ir Xaakim aan caddaalad iyo naxariis lahayn.
jaabajaabee ld jaabee.
jaabajaabeyn 1. Dad isku dhex jira oo aan isgaranayn. 2. Dad keli keli ah. 3. ld jaabeyn.
jaabajaabeys ld jaabeyn.
jaabajaabeysad ld jaabeysasho.
jaabajaabeysasho ld jaabeysasho.
jaabajaabeysi ld jaabeysasho.
jaabajaabeyso ld jaabeyso.
jaabajaabo 1. Qoryo yaryar oo laysu soo uruuriyey. 2. Xoolo iyo dad tiro iyo tayaba liita.
jaabbiyad Berked biyaha loogu kaydiyo beeraha timirta.
jaabee 1. Jaabo aruurin. 2. Laab hoggaanka ka mid ah oo ratiga gafuurka loo geliyo si loo hoggaamiyo. ld jaabajaabee.
jaabeyn eeg jaabee. ld jaabajaabeyn (3), jaabajaabeys, jaabeys.
jaabeys ld jaabeyn.
jaabeysad ld jaabeysasho.
jaabeysasho ld jaabajaabeysad, jaabajaabeysasho, jaabajaabeysi.
jaabeysi ld jaabeysasho.
jaabeyso Jaabo urursasho. ld jaabajaabeyso.
jaabo 1. Qoryo qallalan oo dabka lagu shido; xaabo; qoryo. 2. Alaab aan qiimo lahayn. ld jaabajaabo.
jaad (1) 1. ld qaad 1. Geed caleentiisa, laamahiisa curdanka ah iyo diirkiisa la calashado oo lagu marqaamo. 2. Nooc. 3. Kala jaad: kala duwan.
<< < 808 809 810 811 812 813 814 815 816 817 818 > >>