Ku dar erey cusub Qaamuuska!

Ereyga Maanta: Sawaab
balaq (1) 1. Cad yar oo hilib ah oo aan waxtar lahayn. 2. Cad hilib ah oo meel ka lusha. 3. Afka b. ha igu siin: ha ila hadlin.
balaq (2) Balaq noqosho (qof).
balaqid eeg balaq².
balaqoobid eeg balaqow.
balaqow Wax balaq ah noqosho (hilib).
balaqsad ld balaqsasho.
balaqsan Wax balaq ah ahaansho.
balaqsanaan eeg balaqsan. ld balaqsanaansho.
balaqsanaansho ld balaqsanaan.
balaqsasho eeg balaqso. ld balaqso, balaqsi.
balaqsi ld balaqsasho.
balaqso Carrabka wax ku cabbid (eyga iwm).
balashi Diyaafad ama martiqaad weyn oo marti sharaf loo sameeyo.
balaslayn eeg balaslee.
balaslee Si aan degganeyn u socosho (haween).
balbal Cabsi la gariirid.
balbalayn eeg balbalee.
balbalee Wax, balbalo u yeelid.
balbalid eeg balbal.
balbalo 1. Meel dhisan oo kor ka dadan, dhinacyadana ka furan oo wax lagu iibsado. 2. Dhismo yar oo la harsado oo guriga hortiisa lagu dhiso. ld balanbalo.
baldaaq Xilliga beeraha laga goosto miraha oo ku beegan dhammaadka guga ama dayrta, oo xoolaha lagu daayo balka.
baldhoole Caws dhaadheer, caleemo adag leh oo xooluhu daaqaan raradana laga sameysto oo ka baxa meelaha biyo qabatinka leh.
balfi 1. Ul ama waran iwm oo la soo riday ama tumaati ah iska weecin. 2. Ilmo, biyo iwm diidid (xoolo). ld balaf².
balfid ld balfin.
balfin eeg balfi. ld balfid, balfis.
balfis ld balfin.
balki Halqabsi ahaan, tusaale ahaan, bilmesel.
ballaa Indha la'.
ballaar ld ballac.
ballaarad ld ballaarasho.
<< < 93 94 95 96 97 98 99 100 101 102 103 > >>