Ereyga Maanta: kulxidhan
barakaysan Wax barako leh ahaansho.
barakaysasho eeg barakayso.
barakaysnaan eeg barakaysan. ld barakaysnaansho.
barakaysnaansho ld barakaysnaan.
barakayso 1. (f.g) Hanti yar iimaansasho. 2. (f.g) Hanti yar tashiilasho. 3. (f.mg) Cid barako ka doonasho. 4. (f.mg) Sadaqo la bixid.
barakee 1. Wax barako u yeelid (Eebbe). 2. Cunno wax yar ka cunid. 3. Hanti yar tashiilid.
barakicid eeg barakac². ld barakac¹.
barako 1. Wanaag loo aayo oo laga helo wax Eebbe ku siiyey sida carruurta, xoolaha iwm; karaamo. 2. Badasho, taran.
barakoobid eeg barakow.
barakow 1. Wax barako yeelasho. 2. Wax tarmid.
baraley Nooc kabdaha ka mid ah oo lagu naqshadeeyay mayrax ama dun midabbo kala duwan leh.
barambaro Cayayaan midab bunni ah, geeso dhaadheer iyo lababaal oo khafiif ah oo qolof adag ku hoos jira leh oo ku nool musqulaha iyo meelaha qashinku yaallo. ld baranbaro.
barambarqo Libaax dheddig; gool.
baramboorri Neef geel ama lo'ah da'yar, oo buuran.
baran (1) Wax weel ku jira, bar noqosho.
baran (2) Wax weel ku jira, bar ahaansho.
barandi Cayaari ama khaafiyad weyn, doonta xaggeeda dambe ku taal oo xarigga shiraaca lagu duubo.
barannimo Bare ahaansho.
baranugul ld baraqnugeyl.
baraq Duub ulo jilicsan ah oo dhigaha aqal-Soomaaliga lagu xoojiyo.
baraqnugeyl ld baraqnuglaan.
baraqnuglaan eeg baraqnugul. ld baraqnugeyl, baraqnuglaansho.
baraqnuglaansho eeg baraqnuglow. ld baraqnuglaan.
baraqnuglow Baraqnugul noqosho.
baraqnugul Qof fulay ah ama biiq ah ahaansho.
barar (1) Buurashada meel jirka ka mid ah caalir awgeed la buurato.
barar (2) Meel jirka ka mid ah caalir awgeed la buurasho.
bararan Meel jirka ka mid ah, wax bararay ahaansho.
barari 1. Barar u yeelid (meel jirka ka mid ah). 2. Caano dhay ah, kuwa fadhi ah ku darid.
bararid eeg barar².
<< < 105 106 107 108 109 110 111 112 113 114 115 > >>