dhiigbax-maskaxeed (daaw.) Dhigbax ka yimid halbowle oo maskaxda ku furma, sida badan waxa sabab u ah cudur ku dhaca xididdada dhiigga iyo dhiigkar.
dhiigbixid eeg dhiigbax³. ld dhiigbax¹ (2).
dhiigcab ld dhiigyacab.
dhiigcaddaad Dhiigga nafleyda ku jira oo intii la rabay ka yar.
dhiigee Ka dh.: nafley dhiig ka keenid.
dhiigeyn eeg dhigee.
dhiigid 1. eeg dhiig². 2. ld dhiigaabid.
dhiigkar (daaw.) Cadaadiska dhiigga oo sarreeya. Cadaadiska dhiigga oo kor uga kaca cabirka caadiga ah da' khaas ah lagu yaqaan.
dhiiglaawe Qof aan ka dhiidhiyin xumaanta.
dhiigmadoobaad (1) Meel nabar ku dhacay dhiigga ku urura oo madoobaada.
dhiigmadoobaad (2) (daaw.) Dhiig madoobaad ah oo maqaarka hoostiisa ku urura marka jug gaadho jirka meel ka mid ah ama xididdo iska go'a cudurrada qaarkood.
dhiigmiir Nafley nool oo dhiig laga shubto, kaydin ama dan kale darteed.
dhiigmiirad 1. Si xaqdarra ah oo dadka xooggiisa looga faa'iideysto. 2. Dh. ah: qof dadka xooggiisa si xaqdarra ah uga faa'iideysta. 3. ld dhiigmiirasho.
dhiigmiiradnimo Dhiigmiirad ahaansho.
dhiigmiirasho eeg dhiigmiiro. ld dhiigmiirad (3).
dhiigmiirato ld dhiigmiirad (2).
dhiigmiiro 1. Nafley dhiig ka shubasho. 2. Cid si xaqdarro ah ku jirto xooggiisa uga faa'iideysasho.
dhiigow Dhiig yeelasho.
dhiigroor (1) 1. Dhiig ku guntama meel nabar ku dhacay. 2. ld dhiigroorid.
dhiigroor (2) Meel nabar ku dhacay dhiig ku guntamid.
dhiigroorid eeg dhiigroor². ld dhiigroor¹ (2).
dhiigshubasho Dhiigmiirad.
dhiigsii Ku shubidda qof dhiig ku yaraaday lagu shubo; dhiig.
dhiigsiin 1. ld dhiigsiis. eeg dhiigsii. 2. Dhiig ku shubid.
dhiigsiis ld dhiigsiin (1).
dhiigsonkor Kaadisokorow; kaadimacaan.
dhiigsumow (daaw.) Sooh baabi'in aad u ballaaran oo ay keento baktiiriya cudurkeen ah oo dhiigga raaca ama sun ayaduna dhiigga la socota. Ereyga waxa loo isticmaalaa oo kala nooc dhiig sumow ah.
dhiigtaabac Qof aano daba jooga.
dhiigtaar (bot.) Geed gaab laan-laan u baxa, qodxo dhaadheer, ulaha laga goosto oo qodxihiisu kurtummo leeyihiin.
dhiigtag-yari (daaw.) Tagista dhiigga oo ka yaraada qayb ka mid ah jirka oo ay keento xididdada dhiigga geeya oo ciriirsama ama xirma. Dh.y.da wadnaha waxay keenta anjiina begtoris.
<< < 135 136 137 138 139 140 141 142 143 144 145 > >>