boorayso (dii.) Biyo la'aan awgeed xubnaha laga weyso qaato qaar ka mid ah (wejiga iyo gacmaha) ciid nadiif ah marin si cibaado loo guto; tayamum.
boore B. ah: midab u eg kan dambaska.
booree Wax boor u eyelid; ld boodee.
boorid eeg boor³. ld boor².
boorimee 1. (f.g) Hogayn. 2. (f.g) wax si aan nidaamsanayn u qabin. 3. (f.mg) Cararid.
boorimeyn eeg boorimee.
boorimo 1. God weyn oo hilibka lagu hogeeyo. 2. B. ah: hilib la hogeeyey.
boorjiif Qof aan hooy uu seexdo lahayn. ld dibadjiif.
boornaan eeg booran. ld boornaansho.
boornaansho ld boornaan.
booron (kiim.) Curiye bir-u-eke ah adag, si fududna u burbura, kana tirsan rurka III ee tusaha kalgalka curiyeyaasha.
boorri Ku b.: cid hawl qabashadeda ku guubaabin.
boorrin eeg boorri.
boorso Shay caag ama saan ka samaysan oo gacanta lagu qaadan karo oo lacag, dhar, buugag iwm lagu rito.
boos (1) 1. Qof gaboobay. 2. Nin lug ama gacan la'. 3. Meel qof deeqda. 4. Dhul sharciyeysan oo qof gaar ahaan u leeyahay. 5. ld boosay. Midab cad oo farduhu yeeshaan.
boos (2) 1. Haweenay lug ama gacan la'. 2. B. ah: haan duug ah oo biyaha sii deysa; abaali.
boosay ld boos¹ (5).
boosh 1. Harag laga bixiyey ari caato ah. 2. Midab aad u cad oo ay yeeshaan timaha, dhogorta iwm.
boosh cadde Nooc bariiska ka mid ah oo aad u tarma marka la kariyo.
booshool Geri yar oo caano nuug ah.
booso Goroyada dheddig, goroyacawl.
boostaale Qof waraaqaha boostada ka soo qaada oo dadkii lahaa u geeya.
boosto 1. Maamul dawladeed oo ku jaadan waraaqaha, dhambaallada iwm oo la isu diro qaybintooda iyo isgaarsiintooda. 2. Xafiisyada iyo rugta hawlahaas lagu qabto.
bootaale ld bootoole.
bootaan 1. Bus; habaas. 2. Meesha buska leh.
bootar ld boodhar.
bootayn eeg bootee. ld bootays.
bootays ld bootayn.
bootee U b.: faan iyo hanjabaad been ah cid u jeedin.
booti 1. Arday hal fasal ama ka badan gudbin. 2. Ka b.: wax wax kale dul marin iyadoo dhankeeda kale lagu ridaayo. ld boodsii.
<< < 158 159 160 161 162 163 164 165 166 167 168 > >>