dildilSummad geela lagu dhigo oo ah alif jiif ahaan caloosha loogu jiido.
dildillaac1Jeexjeex uu yeesho dhul, jir nafley dhar iwm.
dildillaac2(jool.) Kala jeex-jeexanka dhadhaabaha, marka ay la kulmaan cadaadis heer sare ah; waxa ay noqdaan qaydad ama xaashiyo khafiif ah.
dildillaac3Dhul, dhar, oogo nafley, jeexjeex yeelasho. Tus. “Dhulki baa dildillaacay”.
dildillaaca-waaberiXilliga iftiinka subaxnimo bilaabanayo.
dildillaaciWax dildillaac u yeelid.
dildillaacideeg dildillaac².
dildillaacineeg dildillaaci.
dildillaacsanWax dildillaacay ahaansho.
dildillaacsanaaneeg dildillaacsan. ld dildillaacsanaansho.
dildillaacsanaanshold dildillaac- sanaan.
dileKan wax dilay, ama wax dilid badan. ld dilaa.
diliJaad geedaha ka mid ah oo jiinka webiyada ka baxa.
dilideeg dil². ld dilniin.
dililiqold dilindilqo.
dilindillayneeg dilindillee. ld dilindillo.
dilindilleeWax duuban ama kankoonsan sida birmiil iwm garaangarin.
dilindilloGarangarinta wax kankoonsan ama duuban oo la garaangariyo. ld dilindillayn.
dilindilqoGeed geedquwaaxyada ka mid ah oo dhulka caddun kaah ka baxa oo kor u bixin ee dhulka ku dhabbacan. ld dililiqo.
diliq1Hanjaleelo.
diliq2Ilmo yar oo dad hanjaleelo daadin.
dillaac1Meesha bannaan ee u dhaxaysa wax is haystay oo in yar kala fuqay.
dillaac21. Wax jeexmid, qarxid. 2. Ciid, dagaal, iwm bilaabasho. 3. Wax beryid.
dillaaciWax dillaac u yeelid.
dillaacideeg dillaac².
dillaacineeg dillaaci.
dillaacsadld dillaacsasho.
dillaacsanWax dillaac leh ahaansho.
dillaacsanaaneeg dillaacsan. ld dillaacsanaansho.
dillaacsanaanshold dillaacsanaan.
<< < 175 176 177 178 179 180 181 182 183 184 185 > >>