Ereyga Maanta: jaabajaabeysad
caddaan-bidooh Dhagax dubnadeed oo wejiga cayaarta loogu talagalay dhinac ka cad, dhinacna laba dhibcood ku leh. ld dooh-bicaddaan.
caddaan-bijoohaar Dhagax dubnadeed oo wejiga cayaarta loogu talaggalay dhinac ka cad, dhinacna afar dhibcood ku leh. ld joohaar-bicaddaan.
caddaan-bisaliim Dhagax dubnadeed oo wejiga cayaarta loogu talaggalay dhinac ka cad, dhinacna saddex dhibcood ku leh. ld saliim-bicaddaan.
caddaan-bishiis Dhagax dubnadeed oo wejiga cayaarta loogu talaggalay dhinac ka cad, dhinacna lix dhibcood ku leh. ld shiish-bicaddaan.
caddaan-biyeeg Dhagax dubnadeed oo wejiga cayaarta loogu talaggalay dhinac ka cad, dhinacna hal dhibic ku leh. ld yeeg-bicaddaan.
caddaansadaf Midab caddaan xigeen ah oo dhalaal ku jiro.
caddaansho eeg caddow². ld caddaan².
caddaato Daruur waqti galabnimo ah biyo yar sii daysay.
caddad 1. Wax tiro ahaan inta uu ka koobanyahay. 2. Wargeys, qoraal iwm oo si isdabajoog ah u soo baxa, lambarka ay leyihiin inta isku mar soo baxda.
caddadhuuni Shimbir yar garbaha ka madow, baalashana midab dahabi ah ku leh; dahabo.
caddallool (1) Ciyaar carruureed ilmuhu qoray la tuurayo ay ku ciyaaraan habeenkii iyaga oo labo labo koox isagasoo horjeeda.
caddallool (2) Caddaallool ciyaarid.
caddalloolid eeg caddallool².
caddayn eeg caddee. ld caddays (3).
caddays 1. Shaah caano yar lagu daray. 2. In yar oo caano ah oo loogu talaggalay in shaah lagu caddeeyo. 3. ld caddayn.
caddaysad ld caddaysasho.
caddaysan 1. Wax la caddeeyey ahaansho. 2. Wax caano lagu daray ahaansho (shaah).
caddaysasho eeg caddayso. ld caddaysad, caddaysi.
caddaysi ld caddaysasho.
caddaysimo 1. C. ah: neef la rarto o aan rar saarnayn. 2. C. ah: fallaar aan waabaayo la marin. ld caddaysin.
caddaysin ld caddaysimo.
caddaysnaan eeg caddaysan. ld caddaysnaansho.
caddaysnaansho ld caddaysnaan.
caddayso 1. Wax caddaan ka dhigasho. 2. Qof arrin iwm ee uu qarsanayey soo bandhigasho. 3. Shaah caano ku darsasho. 4. Neegatiif iyadoo kiimiko lagu meyrayo muuqaal u xambaarsanaa warqad ku muujisasho.
caddee 1. Wax caddaan ka dhigid. 2. Arrin la qarinayey soo bandhigid. 3. Shaah caano ku darid. 4. Neegatiif kiimiko ku meyrid si muuqaal uu xambaarsanaa warqad loogu soo saaro.
caddi ld caddaan¹; ld caddo.
caddib (1) 1. Luggooyo; kadeed. 2. ld caddibid.
caddib (2) 1. Cid shiddo iyo dhibaato gaarsiin. 2. Cid luggooyo badid.
caddibaad ld caddibid.
caddiban (1) Wax la caddibay noqosho.
<< < 193 194 195 196 197 198 199 200 201 202 203 > >>