indhalaawe Qof aan indhaha wax ka arkin.
indhasaab (1) 1. Wax indhaha lagu xiro si aysan wax u arag. 2. Sixir.
indhasaab (2) 1. Indhaha wax ku xirid si aan wax loo arag. 2. Dareenka aragtida cid ka sixrid.
indhasaabad ld indhasaabasho.
indhasaaban Wax la indhaasabay ahaansho.
indhasaabasho eeg indhasaabo. ld indhasaabad.
indhasaabid eeg indhasaab².
indhasaabnaan eeg indhasaaban. ld indhasaabnaansho.
indhasaabnaansho ld indhasaab-naan.
indhasaabo Cid indhasaab xirasho.
indhasarcaad (1) 1. Muujin wax sidii ay ahaayeen si ka beddelan loo muujiyo. 2. Si buunbuunsan oo wax quruxdooda loo muujiyo.
indhasarcaad (2) 1. Wax siday ahaayeen si aan ahayn cid ugu muuqasho. 2. Wax quruxdooda si buubuunsan u muuqasho.
indhasarcaadi Cid indhasarcaad ku samayn.
indhasarcaadid eeg indhasarcaad².
indhasarcaadin eeg indhasarcaadi. ld indhasarcaadis.
indhasarcaadis ld indhasarcaadin.
indhasarcaadsan Cid indhasarcaad ku dhacay ahaansho.
indhasarcaadsanaan eeg indhasar-caadsan. ld indhasarcaadsanaansho.
indhasarcaadsanaansho ld indhasar-caadsanaan.
indhashareer Masar ama duub kale oo maro ah oo wax laga arki karo oo ay dumarka muslimka ahi wejiga ku detaan. ld indhashareerad.
indhashareerad 1. ld indhashareero. 2. ld indhashareerasho.
indhashareeran Wax indhashareer qaba ahaansho.
indhashareerasho eeg indhashareero. ld indhashareerad (2).
indhashareernaan eeg indhasha-reeran. ld indhashareernaansho.
indhashareernaansho ld indhasha-reernaan.
indhashareero 1. We-jiga wax qariya saarasho. 2. Indhasharo samaysasho.
indhatir 1. Cid cammayn. 2. Iska i.: dareenka aragtida iska sixirid.
indhatirid eeg indhatir.
indhawiriq (1) Iftiin xoog badan oo indhaha ku dhacay awgii wax la arki waayo.
indhawiriq (2) Iftiin xoog badan oo indhaha ku dhacay awgii wax la arki waayid.
<< < 17 18 19 20 21 22 23 24 25 26 27 > >>