Ereyga Maanta: qarbidxid
ballanqaad (1) 1. Caddeynta cidi bixiso ee ay ku shaqeyso in ay ballan meel marineyso. 2. Warqad rasmi ah oo cidi ku caddeynayso gudidda qiimaha waxa la soo dalbaday. ld ballangaal¹.
ballanqaad (2) Wax lagu heshiiyay ama lays faray ballanteeda qaadid. ld ballangal².
ballanqaadid eeg ballanqaad². ld ballangelid, ballanqaadis.
ballanqaadis ld ballanqaadid.
ballansan Wax ballan loo dhigay ahaansho.
ballansanaan eeg ballansan. ld ballansanaansho.
ballansanaansho ld ballansanaan.
ballaq (1) ld balliqid.
ballaq (2) 1. Albaab, dariishad iwm wada furid. 2. Arrin wax ka qabashadeeda cid u dhigid. Tus. “Maxamed arrinti wuxuu u ballaqay maxkamadda”.
ballaqan (1) Wax wada furan noqosho (albaab, dariishad iwm).
ballaqan (2) Wax wada furan ahaansho (albaab, dariishad iwm).
ballaqid ld balliqid.
ballaqmid eeg ballaqan¹.
ballaqnaan eeg ballaqan². ld ballaqnaansho.
ballaqnaansho ld ballaqnaan.
ballayn eeg ballee. ld ballaysimo, ballaysin, billayn, billaysimo, billay
ballaysimo ld ballayn.
ballaysin ld ballayn.
ballee Ilmo markaa dhashay booqashadiisa ugu horrayn (dhaqankuna wuxuu qabaa in ilmahaas dabeecaddiisu ay u ekaato midda qofkaas hore). ld billee.
balli (balli /-iyo, m.dh) Biyo fariisin dabiici ah, yara godan oo roobku biyeeyo.
balliqid eeg ballaq². ld ballaq¹, ballaqid.
balool Dhul xaaluf ah oo aad loo degay.
balooley Jaad ka mid ah ciyaaraha saarka.
baloolley 1. Gabar yar oo markaas timihii loo reebay oo aan weli inan noqon. 2. Hal igar ah oo mar oggolato in caanaha laga liso marna diiddo.
balow B. dheh: baw dheh.
balow (1) 1. Cod dheer oo lo'da, geela, dadka iwm sameeyaan marka ay la kulmaan dareen ay dhibsanayaan. 2. ld balwid.
balow (2) Geed mirood biyo ka batay awgeed aad u weynaaday oo aan miro dhalin.
balow (3) Cabsi ama xanuun dartiis la qaylin.
balqami Nafley, balqan ka keenid.
balqamin eeg balqami. ld balqamis.
<< < 21 22 23 24 25 26 27 28 29 30 31 > >>