Ereyga Maanta: siin
jees Qoys meel gooni ah deggan.
jeesad ld jeensasho.
jeesasho ld jeensasho.
jeesgogol Harar yar oo lagu seexdo.
jeesi ld jeensasho.
jeesjees (1) 1. Hadal si kibir ah loo yiraahdo oo cid lagu xumaynaayo; kajan; likaaco. 2. ld jeesjeesid.
jeesjees (2) Hadal kibir iyo digasho ku jirto cid u jeedin.
jeesjeesid eeg jeejees². ld jeesjees¹ (2).
jeeso ld jeenso.
jeex (1) 1. Wax la kala dillaacshay qayb ka mid ah. 2. ld jeexo. Biyo mareen dhuuban.
jeex (2) Wax dillaacin.
jeexan (1) Wax dillaacay noqosho.
jeexan (2) Wax dillaacay ahaansho.
jeexane Harag ari oo loogu talaggalay in jil laga jeexo.
jeexasho eeg jeexo².
jeexdin 1. Meel dillaacsan. 2. Meel godan oo dhulka ka hoosaysa. 3. Meel dillaacsan oo dhulka ku taal oo ay biyuhu maraan.
jeexgogol Derin weyn oo la goglado.
jeexid eeg jeex².
jeexmid eeg jeexan¹.
jeexnaan eeg jeexan². ld jeexnaansho.
jeexnaansho ld jeexnaan.
jeexo (1) Meel godan oo biyo mareen ah. ld jeex¹ (2).
jeexo (2) Wax cad ka dillaacsasho (maro, qare, maqaar iwm).
jegi ld gegi.
jel (fiis.) Heehaab layofilik ah oo caadi ahaan deggan laakiin lagu khasbi karo, marka uu ku suganyahay xaalado gaar ah, inuu qayb xinijiroobo.
jeldi (1) ld jildi¹.
jeldi (2) ld jildi².
jeldisasho ld jildisasho.
jeldiso ld jildiso.
jeldiyasho ld jildisasho.
<< < 21 22 23 24 25 26 27 28 29 30 31 > >>