Ereyga Maanta: raadgan
afmiishaarayn ld afmiinshaarayn.
afmiishaaree ld afmiinshaaree.
afmiishaarnimo ld afmiinshaarnimo.
afnaq (1) ld afnaqid.
afnaq (2) 1. Magac qof kale ku hadlid; afhayn. 2. Ku a.: qof, qof kale xurmad ka mudan si uusan jecleysan ugu warcelin; afceli.
afnaqid eeg afnaq². ld afnaq¹.
afo Haweenay la qabo; oori.
afqab Aan weli waxba cunin ahaansho (qof).
afqabid eeg afqab.
afqays Xiddigaha naafaha middooda seddexaad. ld afqoys.
afqoys ld afqays.
afraad ld afaraad.
afrid Mayrax, derin iwm oo daaha looga dhigo aqal-Soomaaliga.
afrog (1) ld afrogid.
afrog (2) 1. Weel afkiisa sare hoos marin. 2. Weel waxa ku jira ka wadaddaadin.
afrogan Weel la afrogay ahaansho.
afrogid eeg afrog². ld afrog¹.
afrognaan eeg afrogan. ld afrognaansho.
afrognaansho ld afrognaan.
afruug (1) ld afuugid.
afruug (2) ld afuug².
afruugid ld afuugid.
afruujin Burburinta beer carradeeda la burburiyo lana carrageddiyo.
afsaar Oodda xerada ariga afka lagaga oodo.
aftahan 1. Qof fikraddiisa si wanaagsan hadal ugu cabbiro. 2. Awoodda hal-abuur ee qof leeyahay.
aftahannimo Aftahan ahaansho.
aftahmo 1. Awodda qof u leeyahay inuu fikraddiisa si wanaagsan hadal ugu cabbiro. 2. Awoodda hal-abuur ee qof leeyahay.
aftax (1) Fasax aan caadi ahayn oo ardayda dugsiga quraanka la siiyo.
aftax (2) Fasax aan caadi ahayn siin (arday dugsi quraan).
afti Arrin ama qaynuun, in la oggolaado ama la diiddo darteed, ay dowladi shacbigeeda u bandhigto.
<< < 23 24 25 26 27 28 29 30 31 32 33 > >>