Ereyga Maanta: simuum
taxaddar (1) Digtooni; feejigni.
taxaddar (2) Wax halis ah ka digtoonaansha.
taxaddarid eeg taxaddar².
taxalluji Isku t.: wax helitaankooda ku dadaalid.
taxallujin eeg taxalluji.
taxalluq (1) ld taxalluqid.
taxalluq (2) Ku t.: wax, wax kale ku saabsan noqosho.
taxalluqid eeg taxalluq². ld taxalluq¹.
taxalluqsan Ku t.: wax, wax kale ku saabsan ahaansho.
taxalluqsanaan eeg taxalluqsan. ld taxalluqsanaansho.
taxalluqsanaansho ld taxalluq-sanaan.
taxambaysad ld taxambaysasho.
taxambaysasho eeg taxambayso. ld taxambaysad, taxambaysi, taxamboo-laysad.
taxambaysi ld taxambaysasho.
taxambayso Taxambo samayn. ld taxamboolayso.
taxambo Taabashada gacan furan si tartiib ah ruux loogu taabto.
taxamboolaysad ld taxambaysasho.
taxamboolaysasho ld taxambaysasho.
taxamboolaysi ld taxambaysasho.
taxamboolayso ld taxambayso.
taxan (1) 1. Wax iniino ah oo dhexda ka daloola oo dun la iskula xiriiriyay noqosho. 2. Tiro wax siday isugu xigeen isu daba yaal noqosho. ld tixan¹.
taxan (2) 1. Wax iniino ah oo dhexda ka daloola, wax dun la iskula xiriiriyey ahaansho. 2. Tiro wax sidey isugu xigeen isu daba yaal ahaansho. ld tixan².
taxane 1. (xis.) Teed tirooyin maangal ah (ama waxyaabo kale) oo qaab laydi leh. 2. (kiim.) Urur xaddiyo ah oo u habaysan dhinac u taxyo iyo joog u taxyo si ay u sameeyaan qaab teed laydisan. Badanaaba waxa lagu dhex xiraa laba bilood ama laba sakal. Taxaneyaasha ma aha qiime tireed sida sugayaasha. Waxaa loo adeegsadaa in lagu muujiyo xiriirka ka dhexeeya xaddiyada.
taxane hiddo (baay.) Dariiqadda warka hiddo-side ee ku jira DNA-du ay ku xukunto soo saaridda borotiinno gaar u ah unugga.
taxar 1. T. ah: caano neef dhaqayo ah laga lisay. 2. T. ah: macaan la'aan; kharaar.
taxasho eeg taxo.
taxliil (1) Qaab loo raadiyo xallinta mas'alo (xisaab iwm).
taxliil (2) ld tahliil.
taxliili ld tahliili.
taxliilin ld tahliilin.
<< < 24 25 26 27 28 29 30 31 32 33 34 > >>