Ereyga Maanta: Diilalyo
dabandeeb (1) Socod dan la'aan ah oo la iska daba noqnodo. ld dabandeebid.
dabandeeb (2) Si dan la'aan ah isaga daba noqosho.
dabandeebid eeg dabandeeb². ld dabandeeb¹.
dabannashlayn eeg dabannashlee.
dabannashlee D./ka d.: si dabadhilifnimo ah qof u dabajoogid.
dabaq (1) 1. Dabool xardhan oo caw, qabo iwm ka smaysan, oo xeeryaha lagu daboolo. 2. Dhismo leh guryo is dul saaran, fooq.
dabaq (2) Wax, dabool xardhan oo caw, qabo iwm ka samaysan, daboolid. ld dabbaq.
dabaqaad (1) 1. D. ah: hal marka rintay. 2. ld dabaqaadid.
dabaqaad (2) Wax dhawaan rimay noqosho (hal).
dabaqaadid eeg dabaqaad². ld dabaqaad¹ (2).
dabaqabad ld dabaqabasho.
dabaqabasho eeg dabaqabo. ld dabaqabad.
dabaqabo 1. Wax intooda badani khasaaray inta ka hartay badbaadin. 2. Neef jirro ama caato awgeed la fariistay kicin.
dabaqad Qayb bulsho ka mid ah oo isku dan ah.
dabaqallooc ld dibqallooc.
dabar (1) 1. Xarig gaaban, xaskul ka samaysan oo awrka labada lugood ee hore looga xiro si uusan u foogaan. 2. Xarig ama suun jilcan oo saca labada lugood ee dambe looga xiro marka la maalayo. 3. Midab casaan ah oo ilkaha dadka qaarkii yeeshaan.
dabar (2) (kiim.) Awoodda isdhexgalka ee isku qabata laba atam ama in ka badan ama koox atammo ah. Xooggaga dhaliya dabarradu waxay u kala duwanaan karaan kuwo aad u dabacsan oo molikuyuullada dhexmara (ilaa 0.1 >kJ mol-1) iyo kuwo ah dabarro kimikaad oo laxaad badan (ilaa 10 3 kJ mol-1).
dabar (3) Sac ama geel dabar ku xirid.
dabar-ayoon (kiim.) Xoogga isku dabridda ee u dhexeeya ayoonada ku jira iskudhis, kaas oo ayoonnadu ku samaysmaan elektaroonada hal curiye oo si dhammaystiran ugu wareegey mid kale ama xididshe.
dabar-haydarojiin (kiim.) Dabar molikiyuuleed ka dhex samaysma molikiyuulo haydarojiintoodu u dabarantahay curiye elektaroonjiida shadiisu xooggantahay.
dabar-lammaan (kiim.) Dabar elektaroon, wadaag ah oo isku haya laba atam kaas oo ka kooban laba lammaane elektaroon oo hal lammaane u dhigmo dabar keliya (lammaanaha sigma) kan kalena samaynaayo dabar dheeraad ah (dabarka bay, ).
dabar-wadaag (kiim.) Dabar ka dhex samaysma laba atam oo wadaaga lammaane elektaroon.
dabargo' (1) Ciribtirmidda ku dhacda wax asalkiisa ama firkiisa.
dabargo' (2) Wax asalkiisa ama firkiisa ciriitirmay noqosho.
dabargo'an Wax dabargo'ay ahaansho.
dabargo'id eeg dabargo'².
dabargo'naan eeg dabargo'an. ld dabargo'naansho.
dabargo'naansho ld dabargo'naan.
dabargoo Wax jiritaankooda baabbi'in.
dabargoyn eeg dabargoo. ld dabargoys (3).
<< < 288 289 290 291 292 293 294 295 296 297 298 > >>