darax D. ah: markab ama doon aan waxba saarrayn.
daray Geed weyn, ka baxa biyamareennada iyo qararka webiyada oo miro waaweyn, macaan oo la cuno leh; mukay.
darayn eeg daree.
darbaal Maro weyn, adag oo baabuurta aqallada iwm roobka looga dado; shiraaq.
darbad 1. Dabayl xoog leh oo ka dhacda badda. 2. Xumad badan. 3. ld darbo¹.
darbadayn eeg darbadee.
darbadee Laadid (kubbadda cagta).
darban 1. Wax diyaar ah ahaansho. 2. Wax aleel lagu qurxiyey ahaansho.
darbanaan eeg darban. ld darbanaansho.
darbanaansho ld darbanaan.
darbasho eeg darbo².
darbayn eeg darbee.
darbee 1. Kubbad si xoog leh u laadid. 2. Khayaano faa'iido weyn ku helid.
darbi (1) ld derbi.
darbi (2) Cunto la iidaamay gacanta ku cunid. ld sarbi.
darbid eeg darab³.
darbin eeg darbi². ld sarbin.
darbo (1) 1. Si xoog ah uu kubbad lugta loogu laado. 2. Khayaano faa'iido weyn lagu helo. ld darbad (3).
darbo (2) 1. Darab qaadasho. 2. U d.: qof hawl isu diyaarin.
darbuugad (muus.) Naaro; daf.
darbuush ld tarbuush.
dardaaran (1) 1. Ballan uu dhaafo qof oo ku saabsan sida hantidiisa laga yeelayo dhimashadiisa kaddib. 2. Ballan uu dhaafo qof tegayo oo ku saabsan sida laga yeelayo reerkiisa inta uu maqanyahay.
dardaaran (2) 1. Qof dhimashadiisa kaddib sida hantidiisa la yeelayo ka ballamid. 2. Qof tegaya sida reerkiisa laga yeelayo ka ballamid.
dardaarmid eeg dardaaran².
dardaarweri U d.: qof u sheegid dareen iyo dhibaata xun oo ku soo socota.
dardaarwerin eeg dardaarweri. ld dardaarweris.
dardaarweris ld dardaarwerin.
dardar (1) ld dardarid.
dardar (2) 1. Xoog, karti iwm oo aan weli la isticmaalin; carcar. 2. Jiiridda wax la jiiro. 3. D. ah: dhabbe aad loo maro.
dardar (3) Wax jiirid; jibaaxid. ld barbar², berber², derder³.
<< < 324 325 326 327 328 329 330 331 332 333 334 > >>