Ereyga Maanta: gedmo
dardaran (1) Wax la dardaray noqosho. ld berberan¹, derderan¹.
dardaran (2) Wax la dardaray ahaansho. ld barbaran, berberan², derderan².
dardarid eeg dardar³. ld barbarid, berberid, dardar¹, derder¹, derderid.
dardarmid eeg dardaran¹. ld berbermid, derdermid.
dardarnaan eeg dardaran². ld barbarnaan, barbarnaansho, berbernaan.
dardarnaansho ld dardarnaan.
dardarsamid eeg dardarsan.
dardarsan Isku d.: qof gabow, naxdiin iwm awgood, wax la garan waayey noqosho.
dardhaaf (1) U gudbidda neef uu u gudbo dar kale. ld dardhaafid.
dardhaaf (2) 1. (f.g) Neef xoola ah dar kale u gudbid. 2. (f.mg) Dar buux-dhaafid.
dardhaafi Dar biyo ka badan ku shubid.
dardhaafid eeg dardhaaf². ld dardhaaf¹.
dardhaafin eeg dardhaafi. ld dardhaafis.
dardhaafis ld dardhaafin.
dardhad ld dardhasho.
dardhasho eeg dardho². ld dardhad.
dardhaysan Wax aad u dhaxamaysan ahaansho (nafley).
dardhaysnaan eeg dardhaysan. ld dardhaysnaansho.
dardhaysnaansho ld dardhaysnaan.
dardho (1) Dhaxan badan.
dardho (2) Dhaxan aad u badan la gariirid (nafley).
daree Nafley, nafley kale oo geel ah daro ku qabasho.
dareeme 1. Xubnaha dareenka jirka mid ka mid ah. 2. Xididdada nafleyda ee isku xira xangullaha iyo maskaxda. 3. ld dareemo.
dareeme-kiimikaad (baay.) Qaabile, kaas oo baadha jiritaanka kiimikooyin gaar ah. Noolayaashaas unug badanleydo ah waxay u tebiyaan wararka dareemaha dareen wadayaasha. Tusaale ahaan waxa ka mid ah ruqur dhadhannada.
dareemid eeg dareen².
dareemo Caws dhaadheer, oo ka baxa bannaanka iyo dooxoyinka oo gammaanka, geelu jecelyihiin. ld dareeme (3), dureeme, dureemo.
dareen (1) 1. Garasho ku abuurta niyadda qofka isbeddal nafsadeed. 2. War dhiilo leh. 3. Tuhun; shaki.
dareen (2) 1. Qof, isbeddel nafsaani ah oo ku abuurmay garasho. 2. Wax tuhmid.
dareen-indheed (c.nafl.) Qaybta ugu yaryar saddexda qaybood ee dareenwada tirijeemin waxay soo qaaddaa dareenka kuuska isha, xuubka isha iyo qanjirka ilmada; waxay ka soo qaaddaa oo kale qayb yar oo sanka gudihiisa ka mid ah iyo maqaarka sanka sunniyaha iyo maqaarka madaxa.
dareen-xanuun (daaw.) Xanuun aad u daran oo gubasho ah ama mudid ah oo badanaa raaca lareemayaasha.
<< < 325 326 327 328 329 330 331 332 333 334 335 > >>