Ereyga Maanta: tamar
digdigle Qof faan iyo dafdaf badan.
digdigo Meel yar, bannaan, simman, oo ciiddeeda aad loo nabay.
digid eeg dig². ld digniin. digniinsho.
digiigaxasho eeg digiigixo. ld dagiigaxasho.
digiigix 1. Naxariis. 2. Meel hoobad ah. ld dagiigix.
digiigixo 1. U d.: cid u naxariisasho. 2. Meel hoobad ah ka daadegasho. ld dagiigoxo.
digiiran Nooc shimbiraha ka mid ah oo digaagga ka weyn, aan meel fog u duulin, leh midab baraashirix qurxoon, oo hilibkiisa la cuno. ld digirin.
digir (1) 1. Dabar. 2. Midab madow oo ilkuhu yeeshaan.
digir (2) Nooc dalagga ka mid ah, dhala miro u eg qaabka kellida, leh midabbo iyo jaadad kala geddisan. ld diir².
digirin ld digiiran.
digirro Qayb ka mid ah qalabka beeraha lagu falo oo dibidu jiidaan.
diglayn eeg diglee.
digle Salamaki.
diglee 1. Dig sameyn (wadne). 2. Nabar iwm dikaamid.
diglow Cabbitaan laysku dacar falo oo laga sameeyo qashir bun oo la kariyey.
digniin (1) ld digid.
digniin (2) 1. War cid dareensiinayo dhibaato ku soo foolle si uu uga gaashaanto. 2. Hadal, qoraal iwm oo cid gef sameysay la siiyo si aanu mar labaad ugu noqon.
digniin kamadambeys ah (siyaa.) Xagga qawaaniinta caalamiga, waa shuruudaha ugu dambeeya wada hadal, ku gacan seeriddiisuna ay keento joojin wada xaajoodka socday ama ku dhaqaaqid awood wax ku xallin.
digniinsho ld digid.
digo (1) 1. Saalo. 2. Saalo burburtay oo badan.
digo (2) 1. (f.g) Aroos cid ugu wacasho. 2. (f.mg) Ku d.: col jabay, qof laga adkaaday iwm hadal lafajebis ah ku dhihid.
digoo Digo dhigid (xoolo, ugaar iwm).
digood eeg digoo.
digri (1) (dii.)Qasaa'id diini ah oo ay qaadaan wadaaddada dariiqooyinka; xadro. ld digriyid.
digri (2) (dii.) Digri qaadid (wadaad dariiqo).
digrii (1) Darajo.
digrii (2) 1. (fiis.) Halbeegga heerkulka oo la doorsooma kolba qiyaasta la adeegsanayo, sida santigireedh ama feeranhayt. 2. (juqr.) Halbeegga loolka ama dhigaha ee la adeegsado si loo muujiyo meel ka mid ah dhulka dushiisa.
digriyid eeg digri². ld digri¹, dikri¹, dikriyid.
digsi Weel macdan ka samaysan, af ballaaran leh oo cunnada lagu karsado; sufriyo. ld disti.
digtoon 1. Qof diyaar u ah wax uu filayo ahaansho. 2. Qof si toosan u taagan oo labadiisa lugood si simman isu garab yaalliin ahaansho (millatari).
<< < 444 445 446 447 448 449 450 451 452 453 454 > >>