Ereyga Maanta: darar
jiidmid eeg jiidan¹.
jiidnaan eeg jiidan². ld jiidnaansho.
jiidnaansho ld jiidnaan.
jiido (1) (c.fal.) Shanta gobol ama jiidood ee dhulka marmarka qaarkood loo qeybiyo. Waa meelaha ku dhex jira goobaha Artik iyo goobaha Antaartik, oo sida ay kala horreeyaan loo yaqaan jiid baradeedka woqooyi koonfur; meelaha u dhexeeya goobada artik iyo kulaalaha wqooyi, iyo goobada Antaartik iyo kulaalaha koonfureed waxa loo yaqaan sida ay u kala horeeyaan jiidda dhexe; reelaha labaa dhinac ee dhulbadhaha ee u dhexeeya kulaalaha woqooyi iyo kulaalaha koonfureed, waxa loo yaqaan jiidda kulul.
jiido (2) 1. Soo j.: docdiisa u jiidid. 2. Wax la tegid iyadoo dhulka lagu jiidayo. 3. Meel fog aadid, tegid. 4. Dhimasho.
jiif (1) 1. Dhinaca oo dhulka la dhigo si loo nasto; Hurdo; seexad. 2. Dhacdiid ama dhabbac ama dhinac loo yaal. 3. ld jiifid.
jiif (2) Si loo nasto dhinaca dhulka dhigid.
jiifaa Dugaagga yaryar nooc ka mid ah, dhurwaaga ka yar oo ariga laaya; guduudane.
jiifi 1. Cid meel seexin. 2. Shay dhinac meel u dhigid.
jiifid eeg jiif². ld jiif¹ (3).
jiifin eeg jiifi.
jiifsad ld jiifsasho.
jiifsasho eeg jiifso. ld jiifsad.
jiifso 1. (f.g) Shay taagnaa dhinac u dhigasho. 2. (f.mg) Hurdo seexasho.
jiifto Nooc maansada ka mid ah oo badanaa lagu tiriyo qasaa'idka diinta, gabayadana ka miro yar.
jiijiile 1. Balag digir marka uu ka tago halcasaadka oo uusan gaarin jalawga. 2. Ilmaha shimbiraha ee aan weli duulimaad gaarin.
jiil (1) 1. Qolof bushimaha kor fuusha marka oon ama xanuun ku yimaado. 2. (-lal, m.l) Qoryo fiiqfiiqan, si farsamo ah loo habeeyey oo nirgaha afka looga xiro. 3. Dalab. 4. (-lal, m.l) Fac.
jiil (2) Nirgo qoryo fiiqfiiqan oo si farsamo ah loo habeeyey si aysan wax u nuugin gafuurka uga xirid.
jiilaal (1) 1. Afarta xilli mid ka mid ah, oo u dhexeeya dayrta iyo gu'ga; diraac. 2. Xilli kastoo aan roob iyo barwaaqo lahayn (siiba diraacda iyo xagaaga).
jiilaal (2) (c.fal.) Loolalka dhexe, waa xilliga ku xiga dayrta, cilmiga gibilka wuxuu ku dhammaadaa kubbad-badhka waqooyi min hornaqa jiilaalka (ilaa 22 disembar) ilaa caanomaallada isle'eg ee gu'ga (ilaa 21 maarso).
jiilaashad eeg jiilaasho.
jiilaashi ld jiilaashin.
jiilaashin Dabayl dhacda waqtiga jiilaalka ah. ld jiilaashi.
jiilaasho Waqti jiilaal ah gelid.
jiilid eeg jiil².
jiin 1. Ag; coon; qar; af. 2. (-iiman, m.l) Webiga hareerihiisa.
jiin (1) Xarafka “ja'“ magaciis carbeed.
jiinbaar Sariir yar oo maqaar lo'aad iyo qoryo ka samaysan.
jiingad Bir qiro yar oo guryaha dusha laga saaro; tarniig.
jiiq (jiiq, m.dh) (bot.) Geed ka mid ah dhirta dhaadheer ee qodaxda leh oo ka baxa webiga agagaarkiisa oo gumarka u eg.
<< < 840 841 842 843 844 845 846 847 848 849 850 > >>