Ereyga Maanta: dabakannaaxid
bambax (1) 1. Isugu imaanshaha ay dad badan oo ujeeddo gaar ah lihi isugu yimaadaan meel fagaare ah. 2. ld bambixid. ld bannaambax¹.
bambax (2) Fagaaro isugu imaansho si ujeeddo loo fuliyo (dad badan). ld bannaambax².
bambiiro 1. Shey jilicsan, ramal ka sameysan oo midabbo iyo tooxyo kala duwan leh oo biyaha celiya. 2. Xarko dhudhuuban oo lacagta lagu rito oo ramal ka samaysan. 3. B. ah: kabo ramal ah oo roobka laga gashado. ld ambiiro.
bambixid eeg bambax². ld bambax¹, bannaambax¹, bannaambixid.
bambo ld bambaano.
bamgaree Meel bumbo la dhicid. ld bangaree, bongaree, bungaree.
bamgareyn eeg bamgaree. ld bangareyn, bongareyn, bungareyn.
ban (1) Dhul bannaan oo aan dhir la hargalo lahayn.
ban (2) Saxarro jilicsan; shuban.
banaadiiq eeg buntuq. ld banaatiiq.
banaag Dabaqad; nooc; koox ka kooban dad ama waxyaabo kale oo ay wadaagaan astaamo u gaar ah..
banaanadi 1.(f.g) Qof nafley kale legdid. Tus. “Cali baa Xasan dibir ku banaanadiyey”. 2. (f.mg) Leegleegsasho.
banaanadin eeg banaanadi. ld banaanadis.
banaanadis ld banaanadin..
banaatiiq eeg buntuq. ld banaadiiq.
banaaxi (1) ld banaaxiyid.
banaaxi (2) Lo'barwaaqo joogto ciyid. ld bunaaxi², bunnaahi².
banaaxin ld banaaxiyid.
banaaxiyid eeg banaaxi². ld banaaxi¹, banaaxin, bunaaxi¹, bunaaxin, bunaaxis.
banaaxo Cida ay lo'du sameyso kolkay barwaaqo joogto. ld bunaaxo, bunnaaho.
banbaano ld bambaano.
bandar ld bender.
bandhig (1) 1. Keenidda meel fagaare ah wax-soo-saar warshadeed, beereed, faneed iwm si loo daawado. 2. ld bandhigid.
bandhig (2) Alaab ganacsi ama faneed iwm meel fagaar ah dadweynaha ugu dhigid.
bandhigan Wax la bandhigay ahaansho (alaab).
bandhigid eeg bandhig². ld bandhig¹ (2).
bandhignaan eeg bandhigan. ld bandhignaansho.
bandhignaansho ld bandhignaan.
bandiirad Cad maro ah oo midabyo iyo qiyaas loo yaqaan leh oo astaan u ah qarannimada ummadeed; calan. ld bandiiro.
bandiiro ld bandiirad.
<< < 97 98 99 100 101 102 103 104 105 106 107 > >>