biif-abaar Badar biyo lagu bilbilay oo weli qallalan.
biifane Digir ama badar la dubay oo biyo lagu bilbilay.
biifayn eeg biifee.
biifee Wax, wax aad u cad ka dhigid; qurxin.
biifid eeg biif². ld biif¹ (3).
biig 1. Warqadaha turubka inta u dhexeysa labaalaha ilaa shanlaha (ama tobanlaha). 2. Wax qiimo sidaa ah lahayn.
biijo Cudur bushimaha ku dhaco oo caddeeyo; barraaqdo; dhaleeco.
biil (1) Kharash maalmeedka ama bileed; masaruuf.
biil (2) Kharash maalmeed cid bixin; masaruufid.
biilasho eeg biilo.
biilid eeg biil².
biilo Lacag biil ka dhigasho; masruufasho.
biimayn eeg biimee.
biime B. ah: qof wax cabsi leh ama meel aan nabadgelyadeedu sugnayn u bareera. ld biimo.
biimee 1. Naf, hanti iwm biime ka dhigid. 2. Isku b.: meel cabsi leh ama nabaddeeda la hubin kas iyo ogaal ugu bareerid.
biimo ld biime.
biin 1. Qodxo bir ah, noocyo kala duwan leh oo wax la iskula qabto. 2. Nooc ka mid ah gorgorka oo aad u dheereeya..
biinan 1. Jirro maskaxeed qofka ka dhigta mid fudud oo aan dagganayn. 2. (w) eeg biin.
biindhayn eeg biindhee.
biindhee Ciyaar turub, haad la degey fas yar saarid.
biindho Saaridda (ciyaar turub).
biiq (1) 1. Dhasha sagaarada. 2. Qof aad fuley u ah.
biiq (2) 1. Cabsi dareemid. 2. Macluul iyo tabardarro la kulmid.
biiqid eeg biiq².
biir (1) Nooc khamriga ka mid ah oo aan alkolo badan lahayn.
biir (2) 1. Neef sun ah oo ur gaar ah leh oo ceelasha aan muddo laga cabin marmar yeeshaan. 2. Wax aad u khamiiray. 3. Caano aad u dhanaan.
biir (3) 1. Wax intay ahaayeen ka badasho. 2. Ku b.: wax tiradooda kordhin. 3. Ku b.: cid ka mid noqosho.
biire Nooc qalimada ka mid ah oo khad fadhida ku jirto.
biiri 1. Wax si tiradoodu u badato uruurin. 2. Wax inta uu yahay wax kale oo la nooc ah ku kordhin.
biirid eeg biir³. ld biiris².
<< < 138 139 140 141 142 143 144 145 146 147 148 > >>