Ereyga Maanta: tefiir
tawtawleyn eeg tawtawlee.
tawtiiq Doorad; go'aan.
tawxiid Qiritaanka la qiro in Ilaah kali yahay cibaadadana isaga mudan yahay in la caabudo. ld towxiid.
tax (1) Wax iniino ah oo la taxay ama wax xiriirsan (xoolo ama dad).
tax (2) Wax iniino ah, dhexda ka daloola dun iskula xiriirin.
tax firfircoonaanta (kiim.) Tax muujinaya sida biruhu ugu kala firfircoonyihiin dhinaca falgallada la xiriira ayoonnada ku jira milan.
tax-homoologada (kiim.) Tax ka kooban iskudhisyo kiimikaad oo leh naanays molikuyuulleed guud; halkaas oo molikuyuul kasta oo ka mid ah taxaha kooxdaas uu midka ka horreeya kaga duwan koox atammo ah oo madoorsoome go'an ah;sida taxa baarafiinnada.
taxa maamulka (siyaa.) Hab maamul oo ku shaqeeya sharci rasmi ah, oo la raaco, ayna ka hawlgalaan hawlwadeeno.
taxaabid eeg taxow. ld taxaabo.
taxaddar (1) Digtooni; feejigni.
taxaddar (2) Wax halis ah ka digtoonaansha.
taxaddarid eeg taxaddar².
taxalluji Isku t.: wax helitaankooda ku dadaalid.
taxallujin eeg taxalluji.
taxalluq (1) ld taxalluqid.
taxalluq (2) Ku t.: wax, wax kale ku saabsan noqosho.
taxalluqid eeg taxalluq². ld taxalluq¹.
taxalluqsan Ku t.: wax, wax kale ku saabsan ahaansho.
taxalluqsanaan eeg taxalluqsan. ld taxalluqsanaansho.
taxalluqsanaansho ld taxalluq-sanaan.
taxambaysad ld taxambaysasho.
taxambaysasho eeg taxambayso. ld taxambaysad, taxambaysi, taxamboo-laysad.
taxambaysi ld taxambaysasho.
taxambayso Taxambo samayn. ld taxamboolayso.
taxambo Taabashada gacan furan si tartiib ah ruux loogu taabto.
taxamboolaysad ld taxambaysasho.
taxamboolaysasho ld taxambaysasho.
taxamboolaysi ld taxambaysasho.
taxamboolayso ld taxambayso.
taxan (1) 1. Wax iniino ah oo dhexda ka daloola oo dun la iskula xiriiriyay noqosho. 2. Tiro wax siday isugu xigeen isu daba yaal noqosho. ld tixan¹.
<< < 1424 1425 1426 1427 1428 1429 1430 1431 1432 1433 1434 > >>