Ereyga Maanta: meereysan
canshuurqaad ld Cashurqaade; Canshuurqaadid; canshuurqaade.
canshuurqaade Qof dadweynaha ka soo ururiya canshuurta. ld canshuurqaad (2), cashuurqaade.
canshuurqaadid Uruurinta canshuur laga soo ururiyo dadweynaha. ld canshuurqaad (1), cashuurqaadid.
cantab Meel godan, canka xoolaha ku taal oo daaqu ku ururo.
cantalaal (1) 1. Hadal qof hurdayo ku hadlo; qarow. 2. ld cantalaalid.
cantalaal (2) Qof hurdaya hadlid.
cantalaalid eeg cantalaal². ld cantalaal¹.
cantalay ld cantalyaa.
cantallaa ld cantalyaa.
cantalyaa Nooc ka mid ah haadda waaweyn oo leh gafuur dhuuban oo dheer, lugo dhaadheer iyo guluc laallaadda oo uu cuntada ku rito; baambow. ld candallaa, cantallaa, cantalay.
cantar (1) 1. Kibir; aabi. 2. C. ah: aan ulajeeddo fiican lahayn, aan macne lahayn (hadal).
cantar (2) 1. Kibir iyo islaweynaan muujin. 2. Hadal aan nuxur badan lahayn sheegid.
cantarabbaqash Hadal aad u nuxur yar.
cantarid eeg cantar².
cantatab (1) 1. (-byo, m.dh) Qof aad u da'weyn oo caqligiisu doorsoomay. 2. C. ah: hadal aan milgo lahayn oo cabsi, argagax iwm keenaan. ld catatab¹.
cantatab (2) Cabsi darteed, si jaahwareersan oo aan caqligal ahayn u hadlid. ld catatab².
cantatabid eeg cantatab². ld catatabid.
cantoob ld cantoobo.
cantoobo In kol shanta farood iyo calaacasha lagu qabto oo buuxisa. ld cantoob, xantoobo.
cantuug Cunto ama cabitaan, hal mar afka ka buuxin.
cantuugid eeg cantuug.
cantuugo Cabitaan ama cunto hal mar afka buuxisa.
cantuuji Qof cunto uu cantuugo siin.
cantuujin eeg cantuuji.
canyayuub (1) Si qaab daran oo wax loo duudduubo.
canyayuub (2) Si qaab daran wax u duudduubid.
canyayuubid eeg canyayuub².
canyayuus Iniino qare oo la dubay kaddibna la daqiijiyey.
canyo Cagaar yar, dhanaan, ka baxa meelaha ciidda jilcan leh oo la cuno. ld cayo.
caq ld aq.
<< < 214 215 216 217 218 219 220 221 222 223 224 > >>