Ereyga Maanta: sargoosasho
indhawirqid eeg indhawiriq².
indheergarad 1. Qof caqli badan leh. 2. Qof cilmi meel sare ka gaaray.
indheergaradnimo indheergarad ahaansho.
indheergarasho Awood aad ku fahmi kartid fikrad ama ra'yi ama akhbaar.
indhoole Nafley aragga indhaha beeshay.
indifiiduwalism (bul.) Aragti bulshadeed oo tixgelinaysa ficil madax-banaan ama ra'yi xornimo buuxda ee shakhsiyo gar ahaaneed, oo ka soo horjeedda aragtida tixgelinaysa tan dawladda.
infuluwenso (daaw.) Nooc hargabka ka mid ah oo xumad badani iyo qufac leh.
Ingiriiska Ingiriiska (Af-Ingiriis: England; Af-Carabi: إنجلترا) waa gobolka ugu wayn Midowga boqortooyada Britan Waxey xuduud la leedahay iskotland oo ay xaga waqooyi xuduud ka wadaagan, dhanka galbeedna waxa ay xuduud ka wadaagaan wels iyo bada Ireland. Caasimadiisu waa Landhan (London)
iniin Mirta ay dhirtu ka abuuranto. ld iniix.
iniq ld ciniq.
inistinkt ld qariisad.
inix ld iniin.
injiil (1) Kitaabkii nebi Ciise (n.k.h.a.).
injiil (2) (dii.) Axdiga Cusub. Qeyb ka mid ah kitaabka kirishtaanka kaasoo la xiriira noloshii Nebi Ciise, iyo diinta Masiixiga Kaniisadii hore ee Masiixiyiinta.
injiin (fiis.) Makiinadda tamarta kulka u geddisa hawl makaani-kaad, sida injiinka uumiga ama injiinka batroolka.
injiin-dhuundhas (fiis.) Injiinka dayuurad ee loo isticmaalo in uu dhaliyo dhaqaajin dhuundhaas. Eeg dhuundhas.
injinyeer Qof ku xeel dheer cilmiga dhismaha korantada, makaanikada iwm; muhandis.
injir Cayayaan yaryar oo aan baala lahayn oo dhiig ku nool ah oo timaha iyo dharka ka gasha dadka aan nadiifta ahayn.
injirbooddo Booddo, takri.
inkaar (1) Dhibaato qof Ilaah looga baryo in ay ku dhacdo.
inkaar (2) Dhibaato Ilaah cid uga baryid.
inkaaran Wax la inkaaray ahaansho.
inkaarid eeg inkaar².
inkaarnaan eeg inkaaran. ld inkaarnaansho.
inkaarnaansho ld inkaarnaan.
inkaarqabe Qof inkaari ku dhacday.
inkasta Xataa; walow.
inkiis Bayd faal, oo manjaha ka ah hal, saddexda hogood oo kalena min labo.
inkir (1) 1. Dafiraad. 2. ld inkirid.
inkir (2) Wax laysku ogaa, laysku lahaa, ama laysku soo eedeeyey, diidid.
<< < 18 19 20 21 22 23 24 25 26 27 28 > >>