dannabo ld dannabe.
danni (1) Dareen shaki iyo hubsiino la'aan abuura.
danni (2) Dareen shaki iyo hubsiino la'aan leh cid ku abuurid.
danniyid eeg danni².
dano 1. Dani. 2. In yar oo caano dhanaan ah oo gundhig looga dhigo caano la rabo in ay dhaqso u gorooraan. 3. In yar oo caano ah oo laga shubo caano la lulayo oo la siiyo qof la rumaysanyahay in uu u sancanyahay oo ay haantu subag badan dhalayso. 4. Biyo yar oo lagu daro caano la lulayo marka ay firfiraan.
danqaab (1) Waxyeello. ld danqaabid.
danqaab (2) Cid waxyeello gaarsiin.
danqaabid eeg danqaab². ld danqaab¹, danqaabo.
danqaabo ld danqaabid.
danqaare ld danqaaro.
danqaaro Nooc cawska dhaadheer ka mid ah oo meelaha biyo fariisinka ah ka baxa. ld danqaare.
danqad ld danqasho.
danqasho eeg danqo. ld damqad, damqasho, danqad, daqmad, daqmasho, daqnad.
danqi ld danaq.
danqid eeg danaq. ld damqid, damqin, danqin, daqmid, daqmin, daqnid.
danqin ld danqid.
danqo Boog, nabar iwm. wax dhiig ama dhacaan laga keenay noqosho. ld damqo, daqmo, daqno.
dansan Dab, nal iwm wax bakhtiyey ahaansho. ld densan.
dansanaan eeg dansan. ld dansanaan-sho, densanaan, densanaan -sho.
dansanaansho ld dansanaan.
danseeg (1) Wax aan faa'ido lahayn ee qof waqti ku dhaafo. ld danseegid.
danseeg (2) Qof, wax aan faa'ido lahayn waqti ku lumin.
danseegid eeg danseeg². ld danseeg¹.
danseeji Qof, waqtiga uga lumin waxaan faa'iido u lahayn.
danseejin eeg danseeji. ld danseejis.
danseejis ld danseejin.
dansheegad ld dansheegasho.
dansheegasho eeg dansheego. ld dansheegad.
dansheego U d.: qof muraad uu leeyahay qof u sheegasho.
danwadaag 1. Dad isku degaan ah oo wadaaga heshiis nabadgelyo. 2. Dad isku degaan ah oo dan gaar ahaaneed ka dhexeyso.
<< < 320 321 322 323 324 325 326 327 328 329 330 > >>