Ereyga Maanta: geedqaad
iraarad (1) Afaaf.
iraarad (2) Guri, xero iwm irriddiisa xirid.
iraaradan Wax irriddoodu la xiray ahaansho (guri, xero iwm).
iraaradid eeg iraarad².
iran 1. Daliig lagu sameeyo weelasha la tolaayo oo gucunka kor ka maro. 2. ld inan 1 (3). Isha birteeda. 3. Meesha banka iyo dhulka dhirta leh iska galaan. 4.(-mo, mdh.) Meel kayn ah oo godan, hareerahana ka bannaan.
irbad 1. Bir yar oo dhuuban oo caarad fiiqan iyo dalool leh oo inta dun la gesho wax lagu tolo. 2. Bir yar oo dhuuban oo caarad fiiqan iyo dalool yar dhaxda ku leh gadaalna ku leh dhuun oo inta daawo lagu shubo wax lagu mudo. 3. In daawo ah oo hal mar la isku mudo. ld cirbad.
irbadayn eeg irbadee. ld cirbadayn, cirbadays, irbadays.
irbadays ld irbadayn.
irbadee Nafley daawo ku mudid. ld cirbadee.
irbadeysan Wax dawo lagu duray ahaaansho (nafley). ld cirbadeysan.
irbadeysnaan eeg irbadeysan. ld cirbadeysnaan, cirbadeysnaansho, irba-deysnaansho.
irbadeysnaansho ld cirbadeysnaan.
irbe Ul yar, dheer, oo madax ballaaran leh, oo soorta marka la karinayo lagu walaaqo; malaankhad.
irbee Soor, irbe ku walaaqid.
irbeyn eeg irbee.
irdhayn eeg irdhee.
irdhaysan Wax dhalliilo hayso ahaansho.
irdhaysnaan eeg irdhaysan. ld irdhaysnaansho.
irdhaysnaansho ld irdhaysnaan.
irdhee Wax dhiilla gelin.
irdho Digtoonaan cabsi ku jirto.
irdhoobid eeg irdhow.
irdhow (1) Cararidda cabsi darteed lala cararo. ld irdhoobid.
irdhow (2) Cabsi darteed la cararid.
irfi Bir dheer, dhulka jeexda oo harqoodka ku taal.
iritorosaytis (c.nafl.) Nooca ugu badan tiro ahaan unugyada dhiigga, kuwaas oo ka kooban midab cas oo loo yaqaan himogolobiin, isla markaana wuxuu masu'uul ka yahay qaadista ogsajiinta.
irkasho eeg irko.
irkig (1) Dhakafaar iyo dhabanna hayn. ld argag², erkeg¹.
irkig (2) Aad u yaabid. ld erkeg², argag².
irkigid eeg irkig². ld argagid, erkegid.
<< < 791 792 793 794 795 796 797 798 799 800 801 > >>