jaraf 1. Gabar yar oo dhawaan la gudey timaha u soo baxa. 2. Haruubka, dhiisha iwm salkooda hoose.
jaran (1) Wax la jaray noqosho.
jaran (2) Wax la jaray ahaansho.
jaranjar ld jaranjaro.
jaranjaro 1. Dhagxaan shamiintaysan, kala hooseeya oo aqallada lagu fuulo ama looga soo dego. 2. Laba tiir oo cagasaarro badani isu hayaan oo dhismayaasha lagu fuulo ama looga soo dego. ld jaranjar.
jaraqabad J. ah: faras iwm oo fuulimaadka la baray.
jararaac (1) ld halraac¹.
jararaac (2) ld halraac².
jararaacid ld halraacid.
jararac Erey tilmaama wax la jeexayo.
jarasho eeg jaro.
jarayn eeg jaree.
jaraysad ld jaraysasho.
jaraysasho ld jaraysad, jaraysi.
jaraysi ld jaraysasho.
jarayso 1. (f.g) Faras ama rati jare gelin. 2. (f.mg) Jar cayaarid.
jarcayn eeg jarcee.
jarcee 1. (f.g) Xoolo cadho qaba jarco gelin. 2. (f.g) Aqal laama ku dedid. 3. (f.mg) Qabow, baqdin ama xummad la gariirid.
jarco Maqaar lo'aad ama geel oo guryaha lagu dhiso ama gogol ahaan loo isticmaalo.
jardiino Beer lagu nasto ama lagu raaxaysto oo aan miro la cuno lahayn.
jare 1. (-rayaal, m.l./dh) Xarig fardaha, lo'da iwm lagu qabto. 2. Shaxda marka hab dheelkeedu saddex isugu dhacdo. 3. ld jar 2. Hab fadhi ciyaareedka ka mid ah oo loo dheelo; daamad.
jaree 2 (-reeyay, -raysay) 1. (f.g) Xarig jare ah xoolo ku xirid. 2. (f.mg) Dheesha jarta ku adkaan. 3. (f.mg) Baqdin, naxdin ama xanuun la gariirid.
jareer (1) 1. Qof timo adag 2. Geed-gaab aan qodax lahayn oo qoryihiisu dhaqso u qoyin.
jareer (2) Timo adag.
jareexayn eeg jareexee.
jareexee Cay kaftan ah cid u jeedin.
jareexo 1. Dhaawac cid la gaarsiiyo. 2. Ceeb cid lagu sheego. 3. Cay cid loo gaysto.
jarid eeg jar³. ld jarriin.
jariidad Wargeys toddobaadle ama ka badan oo lagu soo bandhigo maqaallo waxyaalo kala duwan ka hadlaya iyo xayeysiis. ld jariido.
jariido ld jariidad.
<< < 825 826 827 828 829 830 831 832 833 834 835 > >>