Ku dar erey cusub Qaamuuska!

Ereyga Maanta: xuubka saynuufiyal
bahalow (2) 1. Bahal noqosho. 2. Waraaboobid.
bahardaac (1) Fadhi kala daadsanaan leh oo aan la rabin in dhaqso meel looga kaco.
bahardaac (2) Si kala daadsanaan leh muddo badan meel u fariisasho.
bahardaaci Is b.: si kala daadsanaan leh muddo badan meel u fariisasho.
bahardaacid eeg bahardaac².
bahardaacin eeg bahardaaci. ld bahardaacis.
bahardaacis ld bahardaacin.
bahardaadi 1. Is b.: is ballaarin. 2. Is b.: is weyneysiin; isqaadqaadid.
bahardaadin eeg bahardaadi.
bahaysad ld bahaysasho.
bahaysasho eeg bahayso. ld bahaysad, bahaysi.
bahaysi ld bahaysasho.
bahayso 1. Cid qaraabeysasho. 2. Cid gaashaanbuuro la yeelasho.
bahgaatama Dugaagga intooda gaadmada wax ku dila oo ay ka mid yihiin libaaxa, shabeelka, haramcaska iyo guduudanaha.
bahgulufto Dugaagga intiisa aan gaatamin oo orodka wax ku dila.
bahnimo Bah ahaansho.
baho (c.fal.) Uruur xiddigaha ka mid ah oo u dhexeeya Xoorka iyo Faruuryaha. ld bah.
bahoobid eeg bahow². ld bahow¹.
bahow (1) ld bahoobid.
bahow (2) La b.: cid, gaashaanbuur la noqosho.
bahwadaag 1. Walaalo isku hooyo ah aan isku aabbo ahayn. 2. Dad, ummad, iwm oo isgaashaanbuursi ka dhexeeyo.
baji 1. Cid cabsi gelin. 2. Wax sida ukun iwm. jebin. 3. Bujin.
baji (1) ld boji.
bajiino ld bojiino.
bajin eeg baji.
bajin (1) ld bojin.
bajis 1. Jid cusub oo dhowaan dhalad ah. 2. ld bajin².
bakaal 1. Cudur isha ku dhaca oo ay yeelato bar cad. 2. Meeraha labaad oo qorraxda ku wareega oo u dhexeeya dhulka iyo dusaaga; xiddigta waaberi; waxaraxir. 3. Qof lixaad weyn.
bakaar 1. Godka badarka lagu kaydiyo. 2. Badar muddo god ku jirey. ld bukaar.
bakaaroobid eeg bakaarow.
<< < 89 90 91 92 93 94 95 96 97 98 99 > >>