nabaaddiino 1. Ku sugnaan xaalad aan waxyeello iyo colaad lahayn; nabad. 2. Duco dad kala tegayaa isku sagootiyaan; nabadgelyo.
nabaadguur (1) Nafaqaddarro dhulka gaartay awgeed, geedo soo bixi waayaan.
nabaadguur (2) Nafaqaddarro dhulka gaartay awgeed geed soo bixi waayid.
nabaadguuri Dhul nabaadguur ku ridid.
nabaadguurid eeg nabaadguur².
nabaadguurin eeg nabaadguuri. ld nabaadguuris.
nabaadguuris ld nabaadguurin.
nabaal Isku dar kiimikaad oo laga sameeyo bombo wax gubta.
nabad (1) 1. Waxyeello iyo colaad la'aan. 2. Caafimaad iyo ladnaan.
nabad (2) La n.: Qof, qof kale oo ay colaadi dhex tiillay la heshiin.
nabad-jeceyl (fals.) Dhaqdhaqaaq ka soo horjeeda dagaallada oo loo adeegsado xallinta mashaakillada, uguna baaqa adduunweynaha nabad ku wada noolaansho.
nabadayn (1) Nabadgeliyo.
nabadayn (2) eeg nabadee.
nabadbax (1) Samatabax.
nabadbax (2) Ka n.: Dhibaato ka samatabixid.
nabadbixi Ka n.: Cid waxyeello ka badbaadin.
nabadbixid eeg nabadbax.
nabadbixin eeg nabadbixi.
nabaddoon 1. Qof loo xilsaaray in uu cido colaadi dhextaal heshiisiyo. 2. Qof qabiil madax u ah; caaqil; ugaas.
nabadee Meel nabad ka dhalin.
nabadgal (1) Badbaado.
nabadgal (2) Waxyeello ka badbaadid.
nabadgeli Waxyeello ka badbaadin.
nabadgelid eeg nabadgal².
nabadgelin eeg nabadgeli. ld nabadgeliyo.
nabadgelyee Macsalaamee.
nabadgelyeyn eeg nabadgelyee.
nabadgelyo Xaalad nabad iyo degganaan leh oo lagu sugnaado.
nabadsii Laba qof ama laba qolo oo dagaallamay heshiisiin; nabadayn.
nabadsiin eeg nabadsii.
<< < 1114 1115 1116 1117 1118 1119 1120 1121 1122 1123 1124 > >>