Ku dar erey cusub Qaamuuska!

Ereyga Maanta: bangaree
sajaro Qof aan dembi lahayn galaafasho.
sakaar Bartamaha xabadka halka ay feeraha sare isaga yimaadaan.
sakaarjab Legriix.
sakad Daaro badan oo is haysta oo aan dariiq u dhexeyn. ld seked.
sakal (1) Meel ciriiri ah. ld shakal¹.
sakal (2) Meel ciriiri ah wax gelin. ld shakal².
sakalid eeg sakal². ld shakalid.
sakar 1. Dhulbeereedka barna la abuurto barna la dego. 2. Oodda reerka iyo beerta u dhexaysa.
sakaraad (1) 1. Xanuun aad u daran. 2. S. ah: nafley xaaladdeedu aad u liidato oo geeri halis u ah.
sakaraad (2) Nafley jirran, wax naftu dhibayso noqosho.
sakaraadid eeg sakaraad².
sakareed Tubaako shiidan oo xaashi qafiif ah lagu shubay oo la qiijiyo. ld sigaar.
sakati (1) Cabsi yar shaki.
sakati (2) Si yar u nixid; naxdin yar iyo shaki dareemid.
sakatin ld sakatiyid.
sakatisan Wax naxsan ahaansho (qof).
sakatisanaan eeg sakatisan. ld saka-tisanaansho.
sakatisanaansho ld sakatisanaan.
sakatiyid eeg sakati². ld sakatin.
sakee Hanti seko u bixin.
sakeyn eeg sakee.
sakeysad ld sakeysasho.
sakeysasho eeg sakeyso. ld sakeysad, sakeysi, sekeysad, sekeysasho, sekeysi.
sakeysi ld sakeysasho.
sakeyso Seko urursa-sho. ld sekeyso.
sakhraami Cid sakhraan ka dhigid.
sakhraamid eeg sakhraan².
sakhraamin eeg sakhraami. ld sakhraamis.
sakhraamis ld sakhraamin.
sakhraan (1) Qof khamro ka dhergey oo sakhradi hayso oo aan ogayn waxa uu samaynayo. ld sarqaan.
<< < 1297 1298 1299 1300 1301 1302 1303 1304 1305 1306 1307 > >>