Ereyga Maanta: iimee
sakaar Bartamaha xabadka halka ay feeraha sare isaga yimaadaan.
sakaarjab Legriix.
sakad Daaro badan oo is haysta oo aan dariiq u dhexeyn. ld seked.
sakal (1) Meel ciriiri ah. ld shakal¹.
sakal (2) Meel ciriiri ah wax gelin. ld shakal².
sakalid eeg sakal². ld shakalid.
sakar 1. Dhulbeereedka barna la abuurto barna la dego. 2. Oodda reerka iyo beerta u dhexaysa.
sakaraad (1) 1. Xanuun aad u daran. 2. S. ah: nafley xaaladdeedu aad u liidato oo geeri halis u ah.
sakaraad (2) Nafley jirran, wax naftu dhibayso noqosho.
sakaraadid eeg sakaraad².
sakareed Tubaako shiidan oo xaashi qafiif ah lagu shubay oo la qiijiyo. ld sigaar.
sakati (1) Cabsi yar shaki.
sakati (2) Si yar u nixid; naxdin yar iyo shaki dareemid.
sakatin ld sakatiyid.
sakatisan Wax naxsan ahaansho (qof).
sakatisanaan eeg sakatisan. ld saka-tisanaansho.
sakatisanaansho ld sakatisanaan.
sakatiyid eeg sakati². ld sakatin.
sakee Hanti seko u bixin.
sakeyn eeg sakee.
sakeysad ld sakeysasho.
sakeysasho eeg sakeyso. ld sakeysad, sakeysi, sekeysad, sekeysasho, sekeysi.
sakeysi ld sakeysasho.
sakeyso Seko urursa-sho. ld sekeyso.
sakhraami Cid sakhraan ka dhigid.
sakhraamid eeg sakhraan².
sakhraamin eeg sakhraami. ld sakhraamis.
sakhraamis ld sakhraamin.
sakhraan (1) Qof khamro ka dhergey oo sakhradi hayso oo aan ogayn waxa uu samaynayo. ld sarqaan.
sakhraan (2) Qof wax sakhradi hayso noqosho.
<< < 1297 1298 1299 1300 1301 1302 1303 1304 1305 1306 1307 > >>