Ereyga Maanta: caynaano
xanuunso   Qof jirasho.
xaq  1. Abbaar; daw; jid. 2. Wax maxkamad horteed ku caddaaday in qof lagu leeyahay. 3. Garsoor; caddaalad. 4. Run.
xaq-codbixinta  (xuquuq codbixin, m.dh) (qaan.) Xaqa loo dhiibto codka, gaar ahaan marka ay dadku dooranayaan baar-lamaan.
xaqaanni  Qof aan dadka u kala eexan oo cid kasta mariya waxa ay mudan tahay.
xaqaggaro  ld xagaggaro.
xaqdarro  Eex; caddaalad xumo.
xaqdhawr1  Xishood iyo ixtiraam cid loo hayo. xaqdhawr2   Cid ixtiraamid. xaqdhawrid  eeg xaqdhawr².
xaqiiji   Wax xaqiiq ka dhigid ama xaqiiqdooda u dhabbaggelid.
xaqiijin  eeg xaqiiji.
xaqiiq  Run; dhab. ld xaqiiqo.
xaqiiqato  Nabar ka dhasha is xoqidda shafka iyo jeeniga neef geel ah oo caatir keena. ld xaquuqato.
xaqiiqo  ld xaqiiq.
xaqiiqsad  ld xaqiiqsasho.
xaqiiqsasho  eeg xaqiiqso. ld xaqiiqsad.
xaqiiqso   Wax xaqiiq-dooda helid ama raadin.
xaqir1  Xaqa iyo sharafka wax leeyihiin oo aan la marin, loo diido; tixgelis la'aan; dulleyn; quursi; yasid. ld xaqiraad. xaqir2   Cid liidid ama yasid. xaqiraad  ld xaqir¹.
xaqiran   Wax la xaqiray ahaansho.
xaqirid  eeg xaqir².
xaqirnaan  eeg xaqiran. ld xaqirnaansho.
xaqirnaansho  ld xaqirnaan.
xaqsoor1  Garsoor; caddaalad. xaqsoor2   Si caddaalad ah u garsoorid. xaqsooran   Wax la xaqsooray ahaansho.
xaqsoorid  eeg xaqsoor².
xaqsoornaan  eeg xaqsooran. ld xaqsoor-naansho.
xaqsoornaansho  ld xaqsoornaan.
page : 1535 of 1584
<< < 1530 1531 1532 1533 1534 1535 1536 1537 1538 1539 1540 > >>