balqamis ld balqamin.
balqan Xab jiidma oo laabta ka soo go'a oo afka ka yimaada marka la cadayo.
balqan-keene (daaw.) Dawo badinaysa sii deynta calyada ee neefmareennada taaso sahleysa qufaca. Waxaana lagu daraa dawooyinka qufaca; waxayna ka falgashaa kordhinta sii deynta dhuumaha neefta, wayna jilcisaa xaakada.
balqasho eeg balqo.
balqi 1. Hoore weel ka buuxa in yar ka daadin. 2. Is b.: wax suuxsan iska dhigid.
balqin eeg balqi.
balqo Hoore weel ka buuxa in yar ka daadasho.
balwad 1. Caado xun, waxyeello leh oo aan si sahlan lagu dhaafi karin. 2. Balwo.
balwee Balwo ku luuqeyn.
balweyn eeg balwee.
balwid eeg balow³. ld balow¹ (2).
balwo 1. Heeso hore oo lagu tumi jirey kaban, daf iyo foori. ld balwad (2), belwo.
balxad ld balxasho.
balxasho eeg balxo. ld balxad.
balxo Cabbitaan laga dhergey ku noqnoqosho (dad); biyo badan, had iyo goor cabbid (xoolo); biyo durdurasho.
bambaani 1. Cid si naxariis iyo xushmad leh u kaalmeyn. 2. Iska b.: cid, wax ay dhibsaneyso is ka ilaalin.
bambaanin eeg bambaani.
bambaano Nooc hubka ka mid ah, qaabab kala duwan leh oo wax lagu qarxiyo marka la tuuro. ld bambo, banaano, bombo, bumbo.
bamban Nooc hubka ka mid ah oo leh lugo loo fidsho, xabbaduhuna ay darandoori uga dhacaan. ld babban.
bambas ld dambas.
bambasayn ld dambasayn.
bambasee ld dambasee.
bambasoobid ld dambasoobid.
bambasow ld dambasow.
bambax (1) 1. Isugu imaanshaha ay dad badan oo ujeeddo gaar ah lihi isugu yimaadaan meel fagaare ah. 2. ld bambixid. ld bannaambax¹.
bambax (2) Fagaaro isugu imaansho si ujeeddo loo fuliyo (dad badan). ld bannaambax².
bambiiro 1. Shey jilicsan, ramal ka sameysan oo midabbo iyo tooxyo kala duwan leh oo biyaha celiya. 2. Xarko dhudhuuban oo lacagta lagu rito oo ramal ka samaysan. 3. B. ah: kabo ramal ah oo roobka laga gashado. ld ambiiro.
bambixid eeg bambax². ld bambax¹, bannaambax¹, bannaambixid.
bambo ld bambaano.
bamgaree Meel bumbo la dhicid. ld bangaree, bongaree, bungaree.
<< < 22 23 24 25 26 27 28 29 30 31 32 > >>