Ereyga Maanta: aftir
hayraf (2) Meel la saray dhiig ka qubasho.
hayrafid eeg hayraf².
hayras Neecaw qabow oo ka dambaysa roob da'ay; yalalaxo.
hays (1) Meel godan oo kuruska iyo misigta geela u dhexeysa.
hays (2) ld hayn².
haysad ld haysasho.
haysamo Cankuhays, uur, uurdhaj, wax dhalaya (masaggada, galleyda iwm marka ay uurka yihiin).
haysasho eeg hayso. ld haysad, haysi.
haysi ld haysasho.
haysimo 1. Filka wanka loo hayn karo (idaha). 2. Laboodka iyo dheddiga xoolaha isu hayntooda. 3. ld haystimo. Wallac (naag).
hayso 1. (f.g) Wax ku dhegid. 2. (f.g) Wax gacan ku hayn. 3. (f.mg) U h.: wax, wax u malayn. “Cali waxaan u haystaa in uu wanaagsanyahay”. 4.(f.mg) U h.: cid wax u qabsasho. 5. (f.mg) Isu h.: cid wax aanay ahayn ismoodid. 6. (f.mg) La h.: cid xiriir fiican la yeelasho. 7. (f.mg) La h.: hees, war iwm dhegeysigooda dhegta u raaricin.
haystimo ld haysimo (3).
hebdi Hebed ka dhigid (dheddig xoolaad).
hebdid eeg hebed². ld hebdin.
hebdin eeg hebdi. ld hebdid (2).
hebed (1) H. ah: neef irmaan oo ilmo kasta nuugi karo ama qof kasta maali karo.
hebed (2) 1. Hebed noqosho. 2. ld hebdi.
hebednimo Hebed ahaansho.
hebel Qof aan la aqoon magaciisa ama aan la doonayn in la sheego.
heblaa ld heblaayo.
heblaayo Haweeney aan magaceeda la aqoon ama aan la doonayn in la sheego. ld heblaa.
hed Wax la cuno. ld had (3).
hedo Geeri.
hee Erey “ku maqlay” ka dhigan oo qofka loo yeeraa yiraahdo. ld heeh.
heec (1) Itaaldarro ka muuqata dad ama xoolo ay baahi, cudur, iwm hayso.
heec (2) Dad ama xoolo, itaal darro awgeed la luudid.
heecid eeg heec².
heeco Nayl rajo ah.
heed Nooc badarka ka mid ah oo miro yaryar leh.
heedaddaamid eeg heedaddaan². ld heedaddaan¹.
<< < 722 723 724 725 726 727 728 729 730 731 732 > >>