Ereyga Maanta: mucatab
abbaarsiineeg abbaarsii.
abbaatoHor iyo a.: fal la sameeyo inta aan ujeeddo la lahaa lagu dhaqaaqin. Tus. “Inta aynaan badda aadin hor iyo abbaato aan shaah cabno”.
abbaayld abbaaye.
abbaay abbaayDigri haweenka u gaar ah oo la sameeyo marka haweeney ay kuraysanayso ama markii caado ahaan loo xusayo abbaay Faaduumo oo lagu wado gabadhii Rasuulka (n.k.h.a.).
abbaaye1. Wax ay gabadhi u tahay wiilka ama gabadha la dhalatay. 2. Erey “walaal” ka dhigan oo gabdhaha wada dhashay ama xigto ah ama is jecel isugu yeeraan. 3. Gabadhi waxa ay u tahay ilmaha la dhashay ee ka yaryar. ld abbaay, abbaayo.
abbaayguddoyCayayaan jiriiqaaqa iyo ayaxa la bah ah oo leh madax ka weyn jirka intiisa kale iyo lix lugood oo ay labada hore dhaadheeryihiin. ld ayeeyo-lugdheer; abooto-idabbadis.
abbaayold abbaaye.
abbaseereld abaaseere.
abboowld abboowe.
abboowe1. Waxa wiil u yahay ilmaha la dhashay ee ka yaryar. 2. Erey “walaal” ka dhigan oo kuwa wada dhashay ama xigto ah ama is jeceli isugu yeeraan. 3. Wiil waxa uu u yahay ilmaha la dhashay ee ka yaryar. ld abboow, boowe.
abbuulld cambuul¹.
abdoQiimo; aayo; faa'ido; rajo.
abeer1. A. ah: qaalin geel ama lo'aad oo waqtiigii ay rimi lahayd gaartay laakiin aan dhowr da'ood dhalin. 2. A. ah: neef dhaddig oo aad u shilis; gool. ld ameer.
abeesabbadeedNooc mallay badeedka la mid ah oo abeesada u eg.
abeesajilfaaleyAbeeso aad u weyn oo bakeylaha, sagaarada iyo ugaarta yaryar liqda. ld abeesojufaaley.
abeesalugaleyBerribiyood afar addin, dabo dheer iyo harag leh oo yaxaaska u eg, kana jurmi yar; masalugaley; riyanuug.
abeesaxambaarA. ah: ilmo ku jira marxaladdii gurguurashada.
abeesoNooc halaqa ka mid ah, halis ah, gaabiya oo leh madax weyn, barabaro iyo neef ay isku difaacdo oo hadba ciidda ay ku nooshahay midabkeeda yeelato.
abeesojufaaleyld abeesajilfaaley.
abeesowCudur maqaarka dadka ku dhaca oo u yeela barbaro kuwa abeesada u eg.
abguriAbeeso aad u weyn oo waxaraha, bakaylaha, sagaarada iwm. liqda.
abhiQof maaggan in uu cid dhibaateeyo ereyo uu ku qaboobo ku dhihid. ld ahbi.
abhineeg abhi. ld abhis, ahbin, ahbis.
abhisld abhin.
abidld abad.
abiidld abad.
abiteyWarqad qaab shimbireed leh oo inta dun dheer lagu xiro caruurtu hawada ku laliyaan; dawaarad.
abjacA. ah: qof madax adag oo garmaqaate ah.
abjacnimoAbjac ahaansho (qof).
abjadHeeryo cufan, culus oo ka sameysan cajillo, jawaanno, calallo iwm, oo isku tolan oo awrta rarka culus laga xijiyo; qobtol. ld abjed.
<< < 8 9 10 11 12 13 14 15 16 17 18 > >>