naaxsanaansho ld naaxsanaan.
naaxuusjebid ld maamuusjebid.
naayaa Erey haweeney lala hadlayo dareenkeeda lagu soo jeediyo, xushmadarrana huwan. ld naa.
nab (1) ld nabyo.
nab (2) 1. Cid fal ama hadal aanay samayn ama dhihin ku sheegid; masabidid. 2. Is n.: wax hurda iska dhigid. 3. Ku n.: wax meel ku dhejin. 4. Ciid, timo iwm dhejin. 5. ld naab³.
nabaad Wax dhulka ka soo baxa sida dhirta iyo cawska.
nabaaddiinaxir (1) (dii.) Duco ama quraan loo akhriyo si wax lumay Eebbe u badbaadiyo; xirsixir.
nabaaddiinaxir (2) Wax lumay quraan ama duco u akhriyid si Eebbe u badbaadiyo.
nabaaddiinaxirid eeg nabaaddiinaxir².
nabaaddiinee 1. Nabaaddiino akhriyid. 2. Cid macasalaameyn.
nabaaddiineyn eeg nabaaddiinee.
nabaaddiineysan 1. Wax nabad qaba ahaansho. 2. Wax la xirsi xiray ahaansho.
nabaaddiineysnaan eeg nabaaddiineysan. ld nabaaddiineysnaansho.
nabaaddiineysnaansho ld nabaaddiineysnaan.
nabaaddiino 1. Ku sugnaan xaalad aan waxyeello iyo colaad lahayn; nabad. 2. Duco dad kala tegayaa isku sagootiyaan; nabadgelyo.
nabaadguur (1) Nafaqaddarro dhulka gaartay awgeed, geedo soo bixi waayaan.
nabaadguur (2) Nafaqaddarro dhulka gaartay awgeed geed soo bixi waayid.
nabaadguuri Dhul nabaadguur ku ridid.
nabaadguurid eeg nabaadguur².
nabaadguurin eeg nabaadguuri. ld nabaadguuris.
nabaadguuris ld nabaadguurin.
nabaal Isku dar kiimikaad oo laga sameeyo bombo wax gubta.
nabad (1) 1. Waxyeello iyo colaad la'aan. 2. Caafimaad iyo ladnaan.
nabad (2) La n.: Qof, qof kale oo ay colaadi dhex tiillay la heshiin.
nabad-jeceyl (fals.) Dhaqdhaqaaq ka soo horjeeda dagaallada oo loo adeegsado xallinta mashaakillada, uguna baaqa adduunweynaha nabad ku wada noolaansho.
nabadayn (1) Nabadgeliyo.
nabadayn (2) eeg nabadee.
nabadbax (1) Samatabax.
nabadbax (2) Ka n.: Dhibaato ka samatabixid.
nabadbixi Ka n.: Cid waxyeello ka badbaadin.
<< < 1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11 > >>