isdabammarid ld isdabamarid.
isdabammarin ld isdabamarin.
isdabammaris ld isdabamarin.
isdhaaf (1) 1. Waalli. 2. I. ah: laba addin oo aan isku dhinac ahayn.
isdhaaf (2) 1. (f.g) Laba wax ama ka badan oo jihooyin kala duwan u socda isweydaarasho. 2. (f.g) Laba ama ka badan oo wax isku hayey isnabadgelin. 3. (f.mg) Cid waalasho.
isdhaafdhaaf (1) Is waydaarka ay labo waxyaabood ama ka badan ay jahooyin kala duwan isu weydaartaan dhawr jeer.
isdhaafdhaaf (2) Laba waxyaabood ama ka badan jahooyin kala duwan dhawr jeer isu weydaarasho.
isdhaafdhaafid eeg isdhaafdhaaf².
isdhaafdhaafsan Wax isdhaafdhaafay ahaansho (cid).
isdhaafdhaafsanaan eeg isdhaaf-dhaafsan. ld isdhaafdhaafsanaansho.
isdhaafdhaafsanaansho ld isdhaaf-dhaafsanaan.
isdhaafi 1. Laba wax oo jihooyin kala duwan u socda isweydaarin. 2. Wax khaldid. 3. Cid waalid. 4. Jirro qof haysay mid kale ku wareejin iyada oo sixir la adeegsanaayo.
isdhaafin eeg isdhaafi. ld isdhaafis.
isdhaafis ld isdhaafin.
isdhaafsad ld isdaafsasho.
isdhaafsan 1. Wax la sixray ahaansho. 2. Wax la khalday ahaansho.
isdhaafsanaan eeg isdhaafsan. ld isdhaafsanaansho.
isdhaafsanaansho 1. ld isdhaaf-sanaan. 2. eeg isdhaafsanow.
isdhaafsanow 1. Wax khaldan noqosho. 2. Wax la sixray noqosho.
isdhegammari Wax la diiddanyahay maqalkiisa ismoogeysiin.
isdhegammarin eeg isdhegammari. ld isdhegammaris.
isdhexgal (fiis.) Kulanka laba hir waxa dhici karta inay is taageeraan oo hir maxsuulku uu noqdo wadarta tamarta labada hir, ama ay is tirtiraan oo maxsuulku noqdo faraqa labada hir.
isdhin (1) (dhaq.) Nusqaamidda shey uu ka nusqaamo sidii uu ahaa.
isdhin (2) Shay siday ahaayeen ka nusqaamid.
isdifaac (1) ld isdaafac¹.
isdifaac (2) ld isdaafac².
isdifaacid ld isdaafacid.
isdoqondiidsii Dhibaato jirta ismoogeysiin.
isdoqondiidsiin eeg isdoqondiidsii. ld isdoqondiidsiis.
isdoqondiidsiis ld isdoqondiidsiin.
<< < 795 796 797 798 799 800 801 802 803 804 805 > >>