Ku dar erey cusub Qaamuuska!

Ereyga Maanta: Diilalyo
jeelbixi 1. Jeel ka bi'in. 2. Xoolo dhanaan ku filan siin.
jeelbixid eeg jeelbax². ld jeelbax¹ (3).
jeelbixin eeg jeelbixi.
jeelgoo Xiisag-goyn; jeelbixid.
jeelgoyn eeg jeelgoo.
jeelid jeel².
jeellan 1. U j.: jeel hayo; jeel qabo. 2. Xoolo wax jeel hayo ahaan-sho.
jeellanaan eeg jeellan. ld jeella-naansho.
jeellanaansho ld jeellanaan.
jeenan Cabbitaan la siiyo qof aad u xanuunsan oo aan cunto qaadan karin.
jeenanboob Jeenanboob ah; qof sakaraadaya oo jeenanka aad u qaata.
jeenani Qof aad u xanuunsan cabbitaan siin.
jeenanin eeg jeenani.
jeeni Labada lugood ee xayawaanka afar addinlaha ee hore middood.
jeenicalaf 1. Jeeni. 2. Libaax dad cun ah.
jeeniqaar Qarqar ka ridashada maro, suun iwm iyadoo labadiisa dacal si iswaydaar ah laysugu xirayo kilkilada hoostooda.
jeeniwareen (daaw.) Xanuun xummad iyo qufac leh oo inta badan hargab xumaaday reebo; oofwareen.
jeensad ld jeesasho.
jeensasho eeg jeenso. ld jeensad, jeensi, jeesad, jeesasho, jeesi.
jeensi ld jeesasho.
jeenso 1. Dib ama dhinac wejiga ama oogada u duwid. 2. U j.: wax mudnaanta koowaad siin. ld jeeso.
jeeqaaq (1) 1. Daymo dhinac wax loo dayo. 2. Rajayn wax la rajeeyo.
jeeqaaq (2) 1. Wax rajayn. 2. Dhinac wax u dayid.
jeeqaaqid eeg jeeqaaq².
jeer (1) 1. Goor; Waqti; Ammin. 2. J.ma: goorma?.
jeer (2) (c.nafl.) Naasley beri biyood ah, xoog leh, af ballaaran, aan dhogor lahayn, lugo gaagaaban oo ku nool webiyada Afrika.
jeeraari Xoolo jeeraaro samayn.
jeeraarin eeg jeeraari. ld jeeraro.
jeeraaro Orod wareeg ah oo farxadi ku jirto oo xooluhu sameeyaan. ld jeerarin.
jeerin (bot.) Geedgaab qodax qaroofan, miro kuwa mooska u eg leh oo iniinahooda la cuno, xabag macaanna leh.
<< < 832 833 834 835 836 837 838 839 840 841 842 > >>