wareegaalayso Dan la'aan meelo u socosho. ld wareegayso.
wareegacadde Ciyaar carruurtu ciyaarto iyagoo gacmaha iswada haysta oo isku wareegaalaysanayaa.
wareegacaddee 1. Dan la'aan u wareegid. 2. Wareegacadde samayn.
wareegacaddeyn eeg wareegacaddee.
wareegasho eeg wareego².
wareegaysasho ld wareegaalaysasho.
wareegayso ld wareegaalayso.
wareegid eeg wareeg². ld wareeg¹.
wareego (1) Xoolaha nool ee colka duullaanka ahi sahay ahaan u wato.
wareego (2) Soo w.: halkaad joogtid ka tag oo meel kale u wareeg.
wareegsan 1. Wax qaab goobaabin ah leh ahaansho. 2. Ku w.: wax meel ku hareeraysan ahaansho.
wareegsanaan eeg wareegsan. ld wareegsanaansho.
wareegsanaansho ld wareegsanaan.
wareegsasho eeg wareegso.
wareegso 1. Meel wax u beddelasho. 2. Ka w.: meel ama wax ka leexasho.
wareegto (1) Warqad arrin gaar ah ka hadlaysa, gaarta meelo badan oo la rabo in si degdeg ah loo fuliyo.
wareegto (2) Ciyaar ragga u gaar ah oo laga yaqaan Shabellada Dhexe iyo Shabellada Hoose, asalkeeda horana ciyaar dagaal ayay ahayd.
wareeji 1. Wax wareegaya ka dhigid. 2. Dhinac kale u dhaqaajin (wax ama qof) 3. Ku w.: qalab ama xil qof faraha ka saarid. 4. Badar shiidan si buunshaha looga saaro walaanwilin.
wareejin eeg wareeji. ld wareejis.
wareejis ld wareejin.
wareejisan Badar shiidan wax buunshada laga saaray ahaansho.
wareejisanaan eeg wareejisan. ld wareejisanaansho.
wareejisanaansho ld wareejisanaan.
wareemato Col yar oo intay si qarsoodi ah u baxaan wax soo burburiya amaba laaya; wareento.
wareemid eeg wareen². ld warmayn.
wareen (1) Nabar ama dhaawac waran ama hooto.
wareen (2) 1. Cid waran ama hooto ku dhufasho. 2. Xanuun si kedis ah cid u qabasho. ld warmee.
wareento Cudur xanuun kulul leh oo badanaa ku dhaca feeraha.
wareeq (xis.) Fogaanta ku dul meeran shaxan kasta oo oodan. Waxa kale lagu qeexaa dhererka xood oodan. Xoodkaasoo noqon kara siman sida goobo ama qabaal ama xood googo'an sida geesoole.
wareer (1) Madax-xanuun; madaxwareer.
<< < 1490 1491 1492 1493 1494 1495 1496 1497 1498 1499 1500 > >>